Borama News Network

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Kampala kula kulmay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni waxa ay kawada hadleen Xaaladda Dalka, howlgalka cusub ee AUSSOM, Amniga, Siyaasadda, Ganacsiga & qodobo kale.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Museveni waxa ay si qoto dheer u dul istaagay howlgalka Midowga Afrika ee gabagabada ah ee ATMIS iyo sida loola jaanqaadi karo kan cusub ee billaabanaya 2025.

Qodobada kasoo baxay kulanka waxaa kamid ah Xoojinta Iskaashiga dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Horumarka iyada labada Dowlad ay diiradda saarayaan iskaashiga Ganacsi iyo kan maalgashi sida hadlaka loo dhigay.

Dhanka ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya jooga waxa ay diiradda saareen sidii loo taageeri lahaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si ay mustaqbalka dhow ula wareegaan mas’uuliyadda amniga Dalkooda.

Uganda waa dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo Afrikaanka usoo diray Soomaaliya horraantii sanadkii 2007dii, xiligaas waxaa dalka joogay Ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee dagaallada adag ku galay Muqdisho iyo Gobollada kale ee Soomaaliya.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ku howlgalla saddex qaab oo kala ah, Militariga ATMIS, kuwa Booliiska ah ee isla howlgalkaas iyo ciidan gaar ah oo ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Related posts

“Madaxweynuhu Isagaa Dalka Dagaalka Galiyey, Ree Awdal ha is Hubeeyaan” Xil Ahmed yaasiin Huuno

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxan Dhisi Doonaa Ciidan Laga Baqo Oo Aqoonyahanno Ah”Musharraxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansixiyay Xubuntii Koomishanka Doorashooyinka Ee Xisbiga Wadani