Borama News Network

Maxay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Danjiraha Sweden ee Soomaaliya?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dalka Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern iyaga oo kawada hadlay xaaladda Dalka, taageerrada Stockholm ee Muqdisho & howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Wasiir Jaamac ayaa Danjire Joachim la wadaagay dedaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee Dowladda Federaalka iska kaashanayaan Dowlad-Goboleedka xubnaha ka ah Dowladda iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ee Gobollada Dalka ka socda.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay in ay ‘AS’ Ka qabsato deegaannada ay joogaan taasina muhiimad gaar ah u leedahay Soomaalida iyo Caalamka.

Danjiraha Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern ayaa dhankiisa soo dhaweeyay qorshaha Dowladda Federaalka ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & sida ay u raadinayso taageerrada caalamiga ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Related posts

Xadhiga ina dool ma raadin xilna igama saarna ileen ma dhaline, waddani Deegaanka Aan kasoo jeedana” Siyaasi Ibraahim Caydiid

Abdiaziz Bnnstaff

Qoraagii Buuga Mayal Abwaab Abdiraxmaan Abees Oo Maanta Hargeysa Lagu Xidhay

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Qarax Ka Dhacay Xeebta Liido Iyo Raas Ka Socota Gudaha Hoteel Xeebta Ku Yaala

Abdiaziz Bnnstaff