Borama News Network

Maxay magaalada Goma ee Congo muhiim u tahay maxayse fallaagada M23 u doonayaan?

Magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa mar kale udub-dhexaad u noqotay dagaal goboleed tobnaan sano socday. Isku dhacyada u dhaxeeya kooxda hubeysan ee loo yaqaanno M23 iyo ciidamada Congo ayaa ku xoogeystay gobolka, tan oo sababtay in in ka badan 400,000 oo qof ay ka qaxaan guryahooda tan iyo billowgii sanadkan. Maxay Goma – oo ah caasimad-goboleed – u tahay magaalo sidaa loogu tartamayo?

M23 waa koox hubeysan oo ka go’ay ciidamada Congo toban sano kahor kuwaasoo sheegta inay difaacayaan bulshada Tutsi oo muddo ka cabanaysay dilal iyo takoor. Khubarrada QM ayaa sheegaya in kooxda ay taageero ka heyso dalka deriska la ah Congo ee Rwanda, taas oo dowladda Rwanda ay in badan beenisay.

Rwanda ayaa hore u sheegtay in dowladda DR Congo ay la shaqeyneysay qaar ka mid ah kuwa mas’uulka ka ah xasuuqii Rwanda ka dhacay 1994 ee ka dhanka ahaa qowmiyadda Tutsi iyo Huutuuga.

Sanadkii 2012, fallaagada ayaa qabsaday Goma muddo 10 maalmood ah kahor inta aysan isaga bixin cadaadis caalamka uga yimid awgii.

Wixii intaa ka dambeeyay, kooxda M23 ayaa guul-darro xooggan oo is daba joog ah kala kulmeysay ciidamada Congo ee ay taageerayaan ciidamo dalal kale ka yimid iyadoo markii dambena dalka laga cayriyay. Dagaal-yahannada M23 ayaa kadib oggolaaday in dib loogu daro ciidamada iyadoo loogu beddelayo ballan-qaadyo ah in bulshada Tutsi la dhowri doono.

Balse, sanadkii 2021, kooxda ayaa mar kale hub qaadatay, iyadoo sheegtay in ballan-qaadyada la jebiyay.

Kooxda M23 ayaa kadib la wareegay deegaanno badan oo ku yaalla bariga DR Congo. Khubarrada QM ayaa sheegay in Rwanda ay ka joogaan ilaa 4,000 oo ciidan oo M23 kala barbar-dagaallamaya bariga

Related posts

“Cabdiraxmaan Ciro Odhan Maayo Waa Musharax Ee Waa Madaxwayne” Gudoomiyaha Waddani G.Gabiley Ahmed

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.” Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Shacabka Magaalada Hargaysa Oo Soo Dhaweeyay Diyaaradii Itoobiya Ee Ay Somaliya Dib U Cilisay

Abdiaziz Bnnstaff