Borama News Network

Maxay Noloshooda Ku Danbeyn Kartaa Dadka Tahriibka Ku Gala Dalka Mareykanka?

Soogalootiga imanaya xadka u dhexeeya Mareykanka iyo Mexico ayaa kor u kacay iyadoo uu gaaray heerkii ugu sarreeyey inta uu arriminayo maamulka madaxweyne Joe Biden, waxana ay noqoneysaa madax-xanuun siyaasadeed oo aad u weyn ka hor doorashada.

Ra’yi ururintu waxay soo jeedinayaan in in ka badan saddex meelood laba meel dadka Maraykanka ahi ay diiddan yihiin sida uu Mr Biden u maareeyay arrinta.

Isaga oo ay u badan tahay in uu ka soo horjeedo doorashadii madaxtinimada ee November, Donald Trump, ayaa cambaareeyay sharciga oo uu ku tilmaamay mid aan dhameystirneyn, dareenkaas oo ay ka dhawaajiyeen xildhibaanno badan oo muxaafid ah oo ku sugan Capitol Hill.

Laakiin maaha Jamhuuriga oo keliya kuwa aan ku faraxsanayn arrintan. Maayarrada Dimuqraadiga ah ee magaalooyinka la halgamaya sidii ay ula tacaali lahaayeen qulqulka ayaa sidoo kale muujinaya dareenkooda.
In ka badan 6.3 milyan oo soo galooti ah ayaa la xiray iyagoo si sharci darro ah Mareykanka usoo galayay mudada Biden, tiradaas oo ka badan kuwii Trump, Obama ama George W Bush.

Sababaha kor u kaca ayaa ah kuwo adag, iyada oo ay jiraan arrimo hore oo ka baxsan xakamaynta Maraykanka. Waxa jira ayaan waydiinay khubarrada.
Tiradu waxay bilawday inay kor u kacdo ilaa dhamaadkii maamulka Trump, oo si weyn looga dareemay Mareykanka iyado dadka reer Ameerica ay xilligaas la daala dhacayeen dhibaatooyin isku dhafan oo ay ka mid yihiin rabshadaha, faqriga, cadaadiska siyaasadeed iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Kacsanaantaas ayaa si lama filaan ah u joogsatay horraantii 2020-kii, markii xannibaadaha xanuunkii safmarka ahaa ay keentay hoos u dhac weyn oo ah in ka badan 53% intii u dhaxaysay Maarso iyo Abriil sanadkaas.
Tan iyo markaas horraantii 2021-kii, tirada soo galootiga ayaa si joogto ah kor ugu kacday, taasoo gaartay heerkii ugu sarreeyay abid iyadoo la diiwan geliyay 302,000 soo galooti ah bishii Disembar 2023-kii.

“Taasi waa markii aan dareennay inaan aragno koror mar kale ah, oo ay ugu horreeyaan Bartamaha Ameerika kadib xannibaadaha dhaqdhaqaaqa guud ahaan gobolka ayaa bilaabay inuu fududeeyo,” ayuu yiri Ariel Ruiz Soto, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Socdaalka ee Washington DC.

“Taasi sidoo kale waa markii isbeddelka weyni dhacay waxaana bilownay inaan aragno qulqul badan oo kala duwan, laga bilaabo Venezuela, Sidoo kale Colombia, Ecuador iyo meelo ka fog.”

Muhaajiriinta ayaa hadda ka kala yimid meelo fog fog sida Galbeedka Afrika, Hindiya iyo Bariga Dhexe.

Muhaajiriinta ka imaanaya meelo ka baxsan qaaradda Ameerika, kororka ugu badan ayaa ka imaanaya Shiinaha. In ka badan 37,000 oo Shiinees ah ayaa lagu xiray xadka Mareykanka iyo Mexico sanadkii hore, qiyaastii 50 jeer tirada labo sano ka hor.

Isbeddellada socdaalka caalamiga ah
Kororka tirada dadka soogalootiga ah ee lagu arkay xuduudka Maraykanka iyo Mexico dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli, caalamka oo dhan u haajiridda dalalka qaniga ah uu marayo heerkii ugu sarreeyey abid.

Tirakoobyada Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) ee la sii daayay dabayaaqadii sannadkii hore ayaa muujinaya in 6.1m soogalootiga rasmiga ah ee cusub ay u guureen 38-da waddan ee xubnaha ka ah.

“Waxaan aragnaa barakac aduunka oo dhan ah heer aan horay loo arag taariikhda la diiwaan geliyay, dadkuna waxay ku soo qulqulayaan xudduudkeena koonfureed sababo kala duwan oo kala duwan,” ayuu yiri Jorge Loweree, maamulaha barnaamijyada Golaha Socdaalka Mareykanka, Washington.
Laga soo bilaabo Trump ilaa Biden
Isbeddelka Aqalka Cad ee 2021-kii ayaa sidoo kale gacan ka geystay, ayay yiraahdeen khubarrada qaar.

Farriinta muhiimka ah ee ka timid madaxweyne Trump, xitaa haddii aysan weligeed run noqonin, waxay ahayd dhismaha darbiga xuduudka iyo musaafurinta oo kororta. Ciwaannada ay abuurtay kala soocidda carruurta iyo waalidiintooda xiran, oo ay dad badani ku tilmaameen arxan darro, ayaa sii kordhisay dareenkaas.

Dadka isku dayaya in ay xadka ka gudbaan inta lagu guda jiro waqtigan ayaa BBC-da u sheegay in ay u malaynayeen in gelitaanka iyo joogitaanka Mareykanka ay fududaan doonto hadda. Waxayna mukhalasiinta ka faa’iidaysteen isbadalka madaxtooyadda si ay u abuuraan dareen degdeg ah oo soogalootiga ah.

“Qeyb ka mid ah waa inay u maleynayaan inay iman karaan. Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay waxa loo sheegayo,” ayuu yiri Alex Cuic, qareenka socdaalka iyo prof ka tirsan Jaamacadda Case Western Reserve University ee Ohio.

“Waxay dareemayaan in ay jirto waddo lagu imaan karo halkan,” ayuu raaciyay. “Waxay u dhowdahay sida casuumaad.”

Taa bedelkeeda, qaar ka mid ah dadka u ololeeya socdaalka ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden iyo sharci-dajiyayaasha Mareykanka ee labada dhinac inay ku guuldareysteen inay ka gudbaan isbeddelka socdaalka ee macnaha leh.

Dib-u-habeyntii ugu dambeysay ee nidaamka waxay ahayd in ka badan 30 sano ka hor intii uu Ronald Reagan hayay.

Related posts

Kaligii Taliyaha Ayaa Lagu Yaqaanaa In Uu Dadka Xidho Uuna Magacyo Ula Baxo” Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga wadani

Abdiaziz Bnnstaff

“Siyaasadii Waxaad Kusoo Darteen Marka Xilka Nalaga Qaado Madaxwaynuhu Hana Hayo…..”Wasiir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff

Pakistaan: Soddon Ilaa Afaratan Qof Oo Mayd Ah Ayaa Maalin Kasta Isbaallada La Dhigaa

Abdiaziz Bnnstaff