Borama News Network

Maxay Soomaaliya la tageysaa Madasha ay kula hadlayso Itoobiya?

Waxaa hadal-hayn badan ka dhalatay wadahalka uu markale Turkiga dib usoo abaabulay ee lagu dejinayo Xiisadda ka dhalatay Xad-gudubka Itoobiya ay ku sameysay Madaxbannaanida, Wadajirka iyo midnimada Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku heysata go’aanka Baarlamaanka 11aad uu ku diiday heshiiskaas ay ku doodeyso Itoobiya, waa xeendaabka xoojinaya in uu xakameysmo qodobada ay la gole tageyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mowqifka Soomaaliya oo in badan Madaxda Dowladda Federaalka ku celceliyeen waa in Itoobiya ay burburiso Heshiis beenaadkaas, Sidoo kale Xukuumadda Addis Ababa ay shaaciso in waxyaabaha ka jira dhinaca Soomaaliya ay uga dambeyneyso Dowladda.

Soomaaliya waxa ay sanadkaan heysataa fursad weyn, waayo waxaa dhinac istaagay Dalal badan oo loo arko in ay u janjeereen dhinaca Itoobiya, waxaa usii dheer in ay ogtahay in sanadka soo socda ay xubin ka tahay 10ka Dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Qashqashaaddii ama arbushaaddii lagu sameeyay wafdigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee tagay Addis Ababa si ay uga qaybgalaan shirkii Madaxda Midowga Afrika waxa ay boog u sameysay wajiga Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku dhawaaqday in Ciidanka Itoobiya laga saaro howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS, Sababtu waa in ay ku madax adeegeyso xadgudubka ay ku sameysay Soomaaliya.

Wadahadalkii hore ee ka dhacay Turkiga

Wadahadallada wufuudda ay kala hoggaaminayeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya micno sidaas u weyn ma lahayn marka laga reebo in Turkigu uu ka helay ballanqaad ah in markale la isugu imaan doonno Ankara & in xiisadda la qaboojiyo.

Kulankaas ma ahayn mid toos ah oo labada dhinac isma hor fadhiisan balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakam Fidan ayaa mid-mid ula kulmay labada Wasiir Arrimo-Dibadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo gunaanadkii Sawir wadajir ah ay wada galeen saddexdaan Wasiir.

Qaybta labaad ee Wadahadalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakam Fidan ayaa dhowaan u safray Dalka Itoobiya, socdaalkiisa waxa uu gogol-xaar u ahaa wadahadalkaan, waxa uu la kulmay dhiggiisa Itoobiya & Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed isaga oo kala hadlay in Addis ay kasoo dabacdo halka ay joogto.

Wasiir Fidan markii uu ku laabtay Dalkiisa ayuu ku dhawaaqay in todobaadkaan ay kulmayaan ergada ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya, rajo ayuu ka muujiyay in wadahadalkaan uu ka micno badnaado kii hore oo markaan macluumaad ku filan uu ka heysto labada dhinac.

Diblumaasiyiinta oddorasa dhanka Siyaasadda waxa ay ku sifeeyeen in ay adag tahay in Itoobiya oo muddo dheer raadineysay in mar uun qallin ugu dhaco heshiis ay ogtahay in uu sharci darro yahay in ay dib uga laabato, waxa ay taasi u daliilsadeen go’aan adeega Abiy Ahmed uu haadaanta uga tuuray Itoobiya oo dagaal sokeeye faraha u geliyay.

Turkiga Muxuu sameyn karaa?

Dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda waxa ay sheegeen in Dowladda Turkiga ay qaadi karto tallaabo ay hoos ugu dhigeyso cilaaqaadka Itoobiya haddii aanay dhicin isbaddel ka imaan kara dhinaca Addis Ababa maadaama maslaxada labada Dal uu ku heysto ay u wanaagsan tahay tan Soomaaliya.

Shakhsiyaadka sidaan ku doodaya waxa ay caddeyn ka dhiganayaan in Turkiga Hay’ado ka socda ay gacanta ku hayaan Ilaha Dhaqaalaha ugu muhiimsan ee Dalka sida Dekedda & Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Tababarka Ciidanka, Ilaalinta Xeebaha iyo meelo kale.

Haddaba, ma isleedahay Turkigu waxa uu Itoobiya ku qancin doonnaa burburinta heshiis-beenaadkii ay la gashay Somaliland?

Related posts

Dowlada Maraykanka Oo Beenisay Warar Ku Saabsan Dalalka Somaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Ma $10 ee aabahay iisoo diro ayaa la cashuuraya, waar magaaladu wey qiiqoysaa shiid darteed”….Qaar Ka Mid Ah Shacabka Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Ku Dhawaaqay In Ay Awood U Leeyihiin Qaadiska Weeraro Culus Oo Ay Ku Burburiyaan Maraakiibta Waawayn

Abdiaziz Bnnstaff