Borama News Network

Maxay tahay halista Maraykanku ka muujiyey inay ka dhalato saliid ku qubanaysa badda cas?

Waaxda Pentagonka ee Maraykanka ayaa soo saartay digniin ku saabsan masiibo deegaan oo ka dhalan karta saliid ka qubanaysa Markab nooca shidaalka qaada ah oo ku gubanaya badda cas ka dib weerar ay ku qaadeen Xuutiyiinta Yemen.

Markabkan oo lagu magacaabo Sounion, uuna ka dul babanayo calanka dalka Giriiga ayaa tan iyo todobaadkii ku gubanaya xeebaha dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay hadlay Pentagonka oo lagu magacaabo Patrick Ryder, ayaa sheegay in marakiibtii loo diray markabka si ay u badbaadiyaan ay Xuutiyiinku ugu hanjabeen inay weerarayaan.

Markabka ayaa sida in ka badan 150,000 oo tan – ama hal milyan oo fuusto – oo saliid ceyriin ah, Haddii saliidu si caadi u daadatana waxaa laga cabsi qabaa inay ka mid noqoto musiibadii ugu weynayd ee markab ee taariikhda la diiwaan geliyo.

“Waxaan la soconayaa in dhinacyo saddexaad ay isku deyeen inay markabka u direen laba markab oo kuwa jiidah ah si ay uga qayb-qaataan badbaadinta, balse waxaa ka digay Xuutiyiinta oo ku hanjabay in la soo weerari doono, taasoo mar kale caddaynaysa inay si cad u ixtiraami waayeen nolosha bini’aadamka, balse sidoo kale waxay ku tusinaysaa masiibada deegaanka ee iman karta waqtigan”ayuu yiri Ryder.

Kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa gacanta ku haya inta badan dalka Yemen, waxaan muddadii 10-ka bilood ee la soo dhaafay ay kooxdu weerarreen maraakiib ganacsi oo adeegsaysay marin biyoodka badda.

Xuutiyiinta ayaa la rumaysan tahay in weeraradaas ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta ka dib colaadda Qasa, waayna ku andacoodeen inay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil , Mareykanka iyo UK.

Waxaa lagu soo waramayaa in ay quusiyeen labo markab ayna dileen ugu yaraan labo shaqaale ah tan iyo markii ay bilaabeen weerarrada.

Markabka So-union, ayaa markii ugu horeysay lagu weeray rasaas laga soo riday laba doomood oo yar yar Arbacadii lasoo dhaafey,kadibna waxaa haleelay sadex madfac oo aan la garaneyn,taasi oo keentay in dab uu ka dhasho,kadibna uu dab ka kacay, waxayna taasi sababtay in matoorka Markabka uu damo,sida uu sheegay xafiiska hawlgalada ganacsiga badaha ee UK (UKMTO).

Shaqaalihii la socday markabka oo gaaraya 25 ruux ayaa maalin kadib waxaa soo badbaadiyay Markab dagaal oo laga leeyahay Yurub, waxaana loo qaaday dalka Jabuuti.

War qoraal ah oo Sabtidii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu muujiyay walaaca laga qabo weerarrada lagu qaaday So-union. Waxay ka digtay suurtagalnimada in saliidiisa daadato in ka badan afar laab musiibadii Exxon Valdez ee 1989, kaasoo oo ay ka daadatay 257,000 oo foosto xeebaha Alaska.

Waxa uu sheegay in Maraykanku uu la shaqaynayo la-hawlgalayaasha gobolka si ay isugu dayaan in ay yareeyaan wax kasta oo saamayn ku yeelan kara deegaanka.

Related posts

Talyihii hore ee ciidanka Booliska oo ka mid noqday Wasiirrada cusub ee maamulka SSC-Khaatumo

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Ayaa ku Adkaysansa In Isfagaradkii Ay Somaliland La Gashay Uu Waafaqsanyahay Shurcuucda Caalamiga Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Magaalada Hargeysa Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Tuug Si Yaableh U Wax U Xadi Jiray Iyo Booliska Oo Ka Warbixiyay Qaabkii Ay U Qabteen

Abdiaziz Bnnstaff