Borama News Network

Maxbuuskii Ugu Da’da Yaraa Ee Laga Soo Saaray Xabsiga Saydnaya Iyo Da’da Maxbuuskaasi Oo la Shaaciyay

Wixii ugu naxdin badnaa markii maxaabista la sii deynayay ayaa aheyd muuqaalka cunug aan ka weyneyn 3 sano oo ka soo baxayay mid ka mid ah qololkii la furay oo la yaaban waxa dhacaya iyadoo nin huneysan uu weydiinayo “Yaa dhalay cunugan?”. Waxaa soo baxday hooyo u muuqatay in ay dhashay taas oo qabatay gacmahiisa.

Dadka adeegsada barta X ayaa ku tilmaamay in uu yahay taariikhda maxbuuskii ugu da’ada yaraa, waxayna taasi ka dhacday xabsiga Sednaya ee taliska Assad.

Ilaalada xabsiga ayaa dadka jirdil ku sameyn jiray, waxayna sidoo kale adeegsan jireen dhammaan siyaasadaha loogu diidayo maxaabiista xuquuq kasta oo ay leeyihiin.

Xabsiga waxa uu ka kooban yahay labo dhismo. Dhismihii hore oo ah kan cas oo loogu talogalay maxaabiista siyaasadda iyo ammaanka u xiran ee ka horjeestay taliska iyo dhismaha cusub ee loo yaqaan kan cad oo loogu talogalay dambiilayaasha militeriga dambiga ka galay iyo kuwa loo haysto musuqmaasuqa.

Dhismaha cad kuwa ku jiray dhammaantood waxay ahaayeen kuwa raacsan taliska oo loo soo xiray xatooyo iyo dil.

Related posts

Ingiriiska oo cunaqabatayn kusoo rogay Afhayeenka Baarlamaanka Uganda & Xildhibaanno Musuq ay wada sameeyeen

Abdiaziz Bnnstaff

Xirsiyaw Dowladnimad Waad Ku Saaqiday Dalkana Waad Kala Qaybinaysaa” Siyaasi Cali Guray

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Erdogan: Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadaha Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff