Borama News Network

Maxkamada ICJ Oo Maanta Ku Dhawaaqaysa Go’aanka Dacwadda Ay u Gudbisay Koofur Afrika Ee Ka Dhanka Ah Israaiil.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta ku dhawaaqaysa go’aanka ay ka gaartay dacwadda Koofur Afrika ay u gudbisay dhammaadkii sanadkii tagay 2023 oo ahaa in Ciidanka Israaiil ay xasuuq ka gaysteen Dhulka Falastiin.

ICJ ayaa horay u qabatay gal-dacweedka Koofur Afrika ay ku muujinayso Caddaynta ay hayso iyo waxyaabaha ay ku dhiirranayaan dacwad-oogayaasha metalaya si ay kiiska xasuuqa ah ugu gudbiyaan Maxkamaddaan hoostagta Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Netanyahu ayaa wadnaha farta ku haysa go’aankaas & sida uu noqon karo maadaama si cad loo ogyahay dhibaatooyinka ay gaysteen ciidanka Israaiil, taasi waxa ay sii karkarisay waji gabaxa ay kala kulmi karaan qaraarka Maxkamadda.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa kulamo aan dhammaad lahayn qaadanayay Wasiiro katirsan Xukuumadda Netanyahu si ay uga shiraan go’aanka u furan haddii Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ICJ ay qirto dambiga lagu soo oogay.

Related posts

1.5 milyan qof oo sanadkan gudanaya xajka xilli aysan reer Gaza nasiib u yeelan

Abdiaziz Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Baaqay In La Kala Diro Golaha Wakiilada

Abdiaziz Bnnstaff

Iiraan oo soo bandhigtay qaabkii uu u dhacay howlgalkii lagu dilay AUN Ismaaciil Haniyah

Abdiaziz Bnnstaff