Borama News Network

Maxkamada Ku Taalada Dalka Faransiiska Oo Talaabo Wanaagsan Ku Tilmaamtay Amar Lagu Soo Xidhayo Madaxwaynaha Dalka Suuriya

Maxkamada racfaanka ee ugu sareysa dalka Faransiiska ayaa go’aamisay in amarka lagu soo xirayo madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad uu yahay mid sax ah maadaama lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay dambiyo dagaal iyo kuwo bini’aadantinimo sida ay sheegeen qareeno.

Sannadkii hore, garsoorayaasha dhanka baarista ayaa dalbaday in la soo xiro Mr Assad iyo saddex xubnood oo kale oo loo haysto weerar loo adeegsaday hub kiimiko ah oo Suuriya ka dhacay 2013-kii, kaas oo uu diiday inuu ku lug lahaa.

Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagixisanimada ayaa ka soo horjeestay ansaxnimada waaranka Faransiiska, iyaga oo sheegay in uu xasaanad leeyahay maadama uu yahay madaxweyne. Hase-yeeshee maxkamadda Racfaanka ee Paris ayaa diiday doodaas.

Qareennada ayaana soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda racfaanka.

Related posts

Duulimaadyadii Ugu Horeeyay Ee Masaafurinta Dadka Sharci Darada Ku Jooga Maraykanka Oo Bilaabmay

Abdiaziz Bnnstaff

Doorasho Gali Mayno Ilaa Inta La Ansixinayo Gobolnimada Gabilay” Waxgaradka Gabilay Oo Hadlay

Mareykanka oo shaaciyay deeq hannaanka difaaca hawada ah oo la siinayo Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff