Borama News Network

Maxkamadda Cadaaladda Dunida oo soo saartay amar ka dhan ah Israa’iil

Maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku amartay Israa’iil inay furto qaybo badan oo ka mida xuduudda laga galo Qaza, si loo ogolaado inay halkaas ka gudbaan gargaar dheeri ah oo la gaadhsiiyo dadka baahan ee Falastiiniyiinta ah.

Amarkan oo ay soo saartay maxkamadda caddaaladda dunida ee Qaramada Midoob ay ee fadhigeedu yahay Hague, ayaa fartay Israa’iil “inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lama huraanka ah, iyaga oo aan dib u dhigaynin, si ay u hubiyaan, ” in gargaarka degdegga ah si dhakhso ah gudaha loo gaadhsiiyo, gaar ahaan, waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay ku jiraan, cuntada, biyaha, shidaalka iyo daawooyinku.

Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil inay si degdeg ah u hubiso “inaanay ciidamadooda milaterigu aanay ku kicin falal xadgudub ku ah xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qaza, maadaama oo ay ka mid yihiin dadka uu ilaalinayo Axdiga ka hortagga iyo ciqaabidda dembiyada la xidhiidha xasuuqa ee caalamiga ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale u sheegtay Israa’iil, inay maxkamadda warbixin ku soo celiso, muddo bil gudaheeda, gaar ahaan habka ay u hirgelinayso amarkan.

Israa’iil ilaa haatan wax falcelina oo degdeg ah kama bixinin amarka ka soo baxay maxkamadda caddaaladda dunida, hase ahaatee waxay si adag u beenisay inay geysatay wax xasuuq ah, muddada lixda bilooda ee ay dagaalka ka waddo marinka Qaza. Israa’iil ayaa maxkamadda ku boorisay inaanay soo saarin amaro cusub.

Related posts

Warbixin: Dr Gaboose Shaxda Siyaasadda Miyuu il-duufay mise Irmaan buu degey.

Abdiaziz Bnnstaff

Shacabka Ku Dhaqan Degmada Oog Oo Ka Hadlay Safarka Madaxwayne Biixi Uu Ku Tegayo Oog

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Sheegtay In Ayna Dowlada Fadaraalka Somaliya Aanay Wax Lug Ah Ku Lahayn Doorashooyinka Ka Dhacaya Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff