Borama News Network

Maxkamadeyntii Donald Trump Oo Dhib Loo Dhigay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Garsoore heer federaal ah oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa si aan la cayimin dib ugu dhigay maxkamadeynta Donald Trump oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu baabi’iyo natiijada doorashadii 2020-kii.

Kiiska ayaa loo qorsheeyay inuu bilowdo bisha soo socota.

Dib u dhaca ayaa ka dhashay racfaan ay qareenada Mr. Trump ka dalbadeen in uu ka badbaado dacwad oogayaasha maadaama uu xiligaas ahaa madaxweyne fadhiyey.

Waa mid ka mid ah kiisas dambiyeedyo badan oo uu wajahayo Mr Trump, kaasoo weli ah musharraxa ugu cadcad in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada Mareykanka ee sanadkan.

Toddobaadkii hore Mr Trump ayaa lagu xukumay inuu bixiyo in ka badan siddeetan milyan oo doollar oo magdhow ah si uu u siiyo qoraa E. Jean Carroll oo uu aflagaado u geystay xilli uu qudbad ka jeediyay Aqalka Cad.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse ” Dalkeena Aynu Difaacano Siyaasada Kasta Aynu Meel Iska Dhigno

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Cosboonaysiisay Heshiiska Difaaca Ee Ay Kula Jirtay Dalka Faransiiska

Abdiaziz Bnnstaff

“Xisbiga WADDANI Wuxuu ka soo Horjeedaa Ictiraafka Somaliland Wali Muucadayn Mawqifkiisa”

Abdiaziz Bnnstaff