Borama News Network

Maxuu Dalka Imaaraadka Carabta Ka Yidhi In Bashar Al-Asad Uu Magangalyo u Raadsay Dalkooda?

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa la sheegay inuu isaga cararay dalka Suuriya. Hase ahaatee, ilaa hadda lama garanayo halka uu ku dambeeyey.

Lataliyaha dublamaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aanu hubin in Asad uu ku sugan yahay Imaaraadka iyo in kale.

Isagoo wariyaasha kula hadlayay shirka Manama Dialogue ee Bahrain, Anwar Gargash ayaa diiday in uu ka hadlo wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Asad uu magangalyo ka raadsan karo Imaaraadka.

“Marka ay dadku waydiiyaan, ‘xagee Bashaar al-Assad aadayaa?’, tani runtii tani waa sheeko hoose,” ayuu yiri. “Uma maleynayo inay muhiim tahay. Sida aan iri, ugu dambeyntii tani waa sheeko hoose oo dhab ahaantii dhacdooyinka waaweyn ka mid ah.”

Gargash waxa kale oo uu xusay in Suuriya “ay ka bixin kaynta” oo ay weli u nugushahay xag-jirnimada iyo argagixisada.

Related posts

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo :- Dhacdooyinka Yaabka Leh Ee Ay Kaluumaystada Degmada Maydh Kala Soo Kulmeen Badda

Abdiaziz Bnnstaff

Reer Somaliland Iyaga Ayaa Somali Oo Dhan Isku Keenay Maantan War Baa Leh..”Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff