Borama News Network

Mayotte: Maxaan ka naqaannaa jasiiradda Soomaalida badan lacagta looga cunay?

Mayotte waxay 70km (43.5 meyl) u jirtaa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika – waa jasiiradaha Comoros.

Waa jasiirad ay ku nool yihiin ilaa 300,000 oo qof taasoo qayb ka ah jasiiradaha Comoros ee ka baxsan xeebaha bari ee Afrika.

Comoros waxay kamid ahayd goobihii uu ka talin jiray Faransiiska tan iyo 1975-tii, waqtigaas kadib waxey jasiiraddaan ku dhawaaqday madaxbannaani.

Laakiin Mayotte waxay dooratay inay ka sii mid ahaato Faransiiska, codayn dhacday sanadkii 2009-kii xilligaas oo dadku ay siwayn ugu codeeyeen in ay ka mid ahaadaan Faransiiska, dadka xilligaas codeeyay ayaa sheegay in dhaqaalaha iyo waxyaabo kale ay ku dooranayaan ka mid ahaanshaha Faransiiska.

Sannadkii 2011-kii, waxay noqotay waaxda 101-aad ee Faransiiska, iyadoo la raacayo aftidii 2009.

Balse sababo la xiriira dhanka qulqulka tahriibayaasha oo in muddo ahba ay jasiiraddu la daalaa-dhacaysay, iyadoo dowladda Madaxweyne Emmanuel Macron ay qorsheyneysay inay meesha ay ka saarto qaanuunka lama taabtaanka ah ee sinnaanta ee dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa bishii Febaraayo ee sanadkan booqday jasiiradda wuxuuna sheegay in wax laga beddeli doono xaqa ay dhalashada Faransiiska u leeyihiin dadka ku dhasha Mayotte.

Waa waddan ay u badan yihiin Muslimiin, inkastoo Faransiisku yahay luqadda rasmiga ah, keliya qiyaastii kala bar dadka ayaa akhrin kara ama qori kara luuqadda Faransiiska.

Related posts

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay xuduuda meel u dhaxeysa Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Turkiga Iyo Falastiin Oo Wada Galay Heshiis Dhanka Amniga Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Kenya Oo Madaxwayne Ku Xigeen Cusub Loo Magacaabay Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore

Abdiaziz Bnnstaff