Borama News Network

Midawga Afrika oo war ka soo saaray damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas

Midawga Afrika ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Ethiopia, kadib markii magaalada Addis Ababa, ay heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay in la ixtiraamo midnimada iyo madaxbanaanida dalalka xubnaha ka ah Midawga Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa lagu sheegay, “in Guddoomiyuhu uu si dhow ula socday xiisadda ka dhalatay saxiixa heshiiska is-afgarad. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la is-dejiyo oo la is ixtiraamo, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dawladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.”

Dhanka kale Guddoomiyaha Midawga Afrika ayaa soo jeediyey in labada dal ay ka fogaadaan, wax kasta oo si ula kac ah u horseedi kara, inuu xumaado, xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labadan dal, waxa uu xusan sida ay lagama maarmaan u tahay u tahay in la ixtiraamo, midnimada iyo wada-jirka dhuleed, iyo madaxbanaanida buuxda, ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midawga Afrika.

Hadalka Guddoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku soo aadaya xilli bilowga bishaan ay magaalada Addis ay kuwada gaareen heshiis is-afgarad ah kaas oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiyaha iyo Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi.

Heshiiskaan ayaa waxaa ka hortimid dowladda Soomaaliya, iyada oo Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay ka soo kala saareen qaar ay kaga soo horjeedeen heshiiskaan oo dowladda ku sheegtay in uu yahay mid ay dowladda Itoobiya ku xadgudbeyso dhulka Soomaaliya.

Related posts

Puntland oo billowday wajiga 2-aad ee dagaalka Daacish

Abdiaziz Bnnstaff

Caruurta Aabohood Ha U Diidin Hadii Aad Kala Tegtaan” Nasiiba Sh. Aadan Siiro

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Laga Ogyahay Shanta Qof Ee Madaxwayne Muuse Biixi Ku Wehelinya Wadahadalada Somaliya Iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff