Borama News Network

Midowga Yurub oo ka baaraandegaya in uu cunaqabatayn kusoo rogo qaar kamida wasiirada Israa’iil

Midowga Yurub ayaa samaynaya soojeedinno ay ku waydiinayaan wadamada xubnaha ka ah inay rabaan inay bilaabaan cunaqabataynta “qaar ka mid ah wasiirada Israa’iil”.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor kulanka Brussels, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa xaqiijiyay inuu bilaabay habka xanibaadda lagu saarayo qaar kamida golaha wasiirada Israa’iil si loo eego haddii dalalka xubnaha ka ah ay u arkaan “mid ku habboon” in la cunaqabateeyo qaar ka mid ah wasiirrada Israa’iil.

Kuwa “bilaabay farriimaha nacaybka aan la aqbali karin ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, soona jeedinaya waxyaabo si cad uga soo horjeeda sharciga caalamiga ah”, waa shakhsiyaadka uu Borrell sheegay in Midowga Yurub “ay ka fiirsanayaan” inay ku daraan liiska cunaqabataynta. Mana uusan magacaabin mid ka mid ah wasiirada Israa’iill ee uu ula jeeday.

Related posts

“ Waxa ay kala garan waayeen Kulmiye xafiiskoodan abaaday iyo garoonka diyaaradaha” Masuuliiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Maanta Qudbad U Jeedinaya Labada Gole Ee Baarlamaanka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

“Odayaashii doorshada isa saarka keenayow WADDANI baa haysta miisaaniyadii doorashooyinka”Gud.Xinif

Abdiaziz Bnnstaff