Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in la ixtiraamo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dhinac, kadib markii Trump uu ku hanjabay inuu 50% canshuur ah ku soo rogi doono dhammaan badeecadaha laga keeno dalalka Yurub, haddii heshiis ganacsi laga gaari waayo wadaxaajoodka socda.
Xoghayaha Ganacsiga Midowga Yurub, Maros Sefcovic, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu weli u taagan yahay sidii loo heli lahaa heshiis ganacsi oo caddaalad ku dhisan, balse uu diidan yahay in cadaadis iyo hanjabaad lagu xalliyo khilaafaadka ganacsi.
Hadalkan ayaa waxaa si degdeg ah uga jawaabay madaxda Midowga Yurub. Ra’iisul Wasaaraha Ireland, Micheál Martin, ayaa ugu baaqay labada dhinac in la adkeeyo wadahadalka si looga fogaado khilaaf cusub oo ganacsi.
Midowga Yurub ayaa Mareykanka u dhoofiyay badeecooyin ka badan $600 bilyan sannadkii hore, halka ay iyagu ka soo iibsadeen wax ka badan $370 bilyan, taasoo Trump uu ku tilmaamay xiriir ganacsi oo aan sinnayn.