Borama News Network

Midowga Yurub oo xiraya saldhigga militari ee ay ku leeyihiin dalka Mal

Midowga Yurub ayaa Arbacadii sheegay inay soo afjari doonaan howlgallada tababarrada ah ee ay ka wadaan dalka Maali, taasi oo ka tarjumaysa sii xumaanaya xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo nidaamka milateri ee ka jira dalka ku yaalla Galbeedka Afrika.Xafiiska Diblomaasiyadda ee Midowga Yurub ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in howlgalkan uu dhamaan doono 18-ka bisha May ee sanadkan.War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in muddo 11 sano ah uu howlgalku tababaray ciidamada qalabka sida ee Mali iyo xubno ka tirsan G5 Sahel, oo ah ciidamo caalami ah oo ka hortaga argagixisada.

Midowga Yurub ayaa hakiyay howlgalka sanadka 2022 kadib markii ciidamada milatariga ay sheegeen in ay ka baxayaan G5 Sahel.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay go’aansadeen in aysan kordhin waqtiga howlgalka kadib dib u eegis istiraatiiji ah iyo la tashiyo lala sameeyay maamulka Mali, iyadoo sidoo kale la tixgalinayo “isbedelka xaaladda siyaasadeed iyo amniga ee ka jirta gudaha dalkaas”.

Mali waxa ay ku jirtay xukun milatari tan iyo bishii Agoosto 2020, waana afgambigii ugu horreeyay ee sideed afgambi oo ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika muddo afar sano ah, oo ay ku jiraan deriskeeda Burkina Faso iyo Niger.

Reuters.

Related posts

Ugu yaraan 15 ruux oo carruur ay ku jirto oo ku geeriyooday Duqayn Israaiil ka fulisay Bartamaha Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Jubaland Oo Been Abuur Ku Tilmaamay Eedaymo Uga Yimid Dowlada Fadaraalka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Ayaa Ka Hadlay Xilka Loo Igmaday Iyo Qorshihiisa

Abdiaziz Bnnstaff