Borama News Network

Milatariga Maraykanka oo askartiisa iyo qalabkiisii ugu dambeeyay ka raranaya saldhigoodii cirka ee caasimadda wadanka Niger

Miltariga Maraykanka ayaa dhameystiraya in uu asakrtiisa iyo qalabkiisaba kala baxo saldhiga ciidamada ciirka ee caasimadda Niger maanta oo Axada.

Kooxda milatariga ee xukunta dalka Niger ayaa ku amray xoogagga Maraykanka in ay isaga baxaan kaddib markii xukunka laga riday madaxweynihii la doortay.

Niger ayaa muddaba isbahaysi la ahayd Maraykanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha kacdoonka ka wada dalalka saaxilka, kahor inta aanay aad ugu dhawaan Ruushka.

Maraykanka ayaa ugu dambeyn baneyn doona saldhiga cirka ee ku dhawaa magaalada Agdaez, Maraykanka ayaa raadinaya badal kale. Saraakisha Ameerikaanka ayaa kulamo la leh madax ka tirsan dalalka dariska la ah Niger ee galbeedka Afrika

Tiro yar oo kamid milatariga baxaya oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa tagaya wadamada dariska ah, halka intooda badan ay u guurayaan qaaradda Yurub.

Waxa jira calaamado muujinaya in xoogagga Ruushka ay la wareegi doonaan saldhiga Ameerikaanku baneynayo. Si kastaba ha ahaayee, Maraykanku waxa uu hoos u dhigay warrarka sheegaya in ciidamada Ruushku joogaan meel aan ka fogeyn halka saldhiga u ahayd askartood.

Related posts

Goleheenu Fadhiid Buu Noqday Cidwalba Cid Bay Ku Eedeynaysaa Arinkaasi ” Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Faratoon

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xidhiga Cismaan Cumar Dool Iyo Waxyaabaha Loo Haysto

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Iyo Waraysi Xiiso Badan Oo Uu Arimo Xasaasiya Kaga Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff