Borama News Network

Mucaaradka oo ka horyimid digniinta Dowladda u dirtay Xubnaha Beesha Caalamka

Madasha Mucaaradka ee Samata-bixinta ayaa ka hadlay warqaddii dhawaan Dowladda Soomaaliya u dirtay Xubnaha Beesha Caalamka ee looga digay faragalinta Siyaasadda Gudaha dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in caqabadaha ka jira gudaha dalka aan looga maarmi karin Beesha Caalamka gaar ahaan xubnaha la isku yiraah C6+.

“Xal u helista caqabadaha Amni, Siyaasadeed iyo kuwa kale ee la midka ah waxay u baahan yihiin dadaal joogto ah iyo iskaashi caalami ah oo isku xiran” ayaa lagu yir qoraalka Mucaaradka.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Madaxbannaani dhab ah waxaa lagu heli karaa iyadoo la helo maamul hufan, go’aan wadaag dhab ah, iyo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho daneeyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah”

Hadalka mucaaradka wuxuu ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya ay si cad u muujisay in aan la aqbali karin faragelin toos ah oo ay xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+ ku yeeshaan arrimaha siyaasadda gudaha ee dalka.

Xubnaha Beesha Caalamka ee C6+ ayaa waxaa kamid ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Mareykanka, iyo UK.

Related posts

Deg Deg:- Maxamed Bk Oo Shaaciyay War Cusub Iyo Barnaamij Uu Sheegay In Uu Hargaysa Ku Qabanayo

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Turkiga Uga Digay In Uu Marti Galiyo Xubnaha Xamaas

Abdiaziz Bnnstaff

Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Shidaal Ka Yimid Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff