Borama News Network

Mucaaradka ugu weyn Turkiga oo sheegay inay maanta joojinayaan dibedbaxyada

Iyadoo dibedbaxyo xooggan ay habeenkii lixaad ka dhaceen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, xisbiga mucaaradka ee dalkaas, CHP, ayaa sheegay in isu soo baxyadii waaweynaa ee lagu qabanayay aqalka dowladda hoose ay soo gabagabeynayaan Talaadada, iyadoo aan sheegin tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.

Shaacinta tallaabadan degdegga ah ayaa timid ka dib markii ay booliisku mar kale sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen dadka dhigayay dibedbaxyada ay ku dalbanayeen in la sii daayo duqa magaalada,

Ekrem Imamoglu – oo ah musharraxa madaxweynaha ee mucaaradka sanadka 2028-ka, kaas oo la xiray todobaadkii hore lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.

Related posts

Wadahadallada Mareykanka Iyo Ruushka Oo Bilowday Iyo Warbaahinta Oo Dibada Looga Saaray Goobta Shirku Ka Socdo

Abdiaziz Bnnstaff

Dhalinyarada Magaalada Muqdisho Oo Bilad Sharaf Gudoonsiiyay Fanaanka Nimcaan Hilaac

Abdiaziz Bnnstaff

Ku Dhawaad 20 Qof Oo Ku Dhintay Duqayn Ka Dhacday Duleedka Degmada Afgooye

Abdiaziz Bnnstaff