Borama News Network

Mustafa Cagjar: “Waxbarasho Iyo Macallimiin la baddelay ma jiraan balse Imtixaankii ayaa la adkeeyay”

Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafa Muxumed Cagjar ayaa ka hadlay falcelinta ka dhalatay Imtixaankii dhowaan ay galeen Ardayda Shahaadiga ah ee Dugsiyada ku yaalla Dowlad-Deegaankaas.

Cagjar ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in la baddelay Qaabka Waxbarashada iyo Macallimiinta wax usoo dhigtay Ardaydaas kaddib markii ay ku doodeen Ardaydu in loo keenay wax ka duwan qaabkii loo geli jiray Imtixaanka ama Duruustii ay soo qaateen.

Mustafa Cagjar, Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay xaqiiq tahay in Imtixaanka la adkeeyay, sababta ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in tayada lagu kala saaro Ardayda, isla markaana xoogga la saaro diyaargarowga Imtixaanaadka.

“Waxbarasho & Macallimiin la baddelay ma jiraan balse Imtixaankii ayaa la adkeeyay, Tayada Waxbarashadu haddii ay wanaagsanayd shalay maanta kuma xumaan karto Imtixaan meeshii laga qaaday, Qishkii ayaa la joojiyay, Tirada Iskuullaadka ma yaraan oo way kordheen, Macallimiinta ma yaraan oo way kordheen, Ardaydii aan horay wax u diyaarin jirin in ay daataan ayaa badatay” Mustafa Muxumed Cagjar, Madaxweynaha DDS.

Related posts

“Somalia waxay noqotay God-cadaw oo Yaxaasyo fadhiyaan…” Wasiir Yurub Abiib.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Gaadhay Dalka Eritrea Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Xogta heshiiskii laga qariyay Shacabka Soomaaliyeed oo la helay,maxaa ka jira in boqolkiiba Shan (5%) Soomaaliya laga siinayo Shidaalka?

Abdiaziz Bnnstaff