Borama News Network

Muwaadiniin Shiineys Lagu Qabtay Dahab Iyo Lacag Ay Si Sharci Darro Ah Ku Heleen Dahabka Iyo Lacagta Ayaa Lagu Qariyay Qaybta Hoose Ee Kuraasta Gaadhi Ay Ku Safreyayeen

Saddex muwaadini oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu qabtay dahab ah iyo lacag caddaan ah oo gaaraysa 650,000 oo doolar, bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta dalkaas.

Dahabka iyo lacagta ayaa lagu qariyay qaybta hoose ee kuraasta gaari ay ku safreyayeen, sida uu sheegay Jean Jacques Purusi, guddoomiyaha gobolka Kivu ee Koonfurta ku yaalla.

Wuxuu sheegay in howlgalkii lagu soo qabtay raggaas uu qarsoodi ahaa kadib sii-deyntii dhawaan ee koox kale oo muwaadiniin Shiinaha ah oo lagu eedeeyay inay ku mashuulsanaayeen macdan madow oo sharci darro ah oo isla aagga raggaan lagu qabtay.

Bariga DR Kongo waxaa ku jira kayd badan oo dahab, luul, iyo macdanada loo isticmaalo samaynta batteriga telefoonnada gacanta iyo baabuurta korontada ku shaqeeya.

Related posts

Xamaas Oo Israaiil Ka Diiday In Loo Gacan-Geliyo Dawooyin Ay u Baahan Yihiin Maxaabiista Yuhuudda Ah Ee Gacantooda Ku Jira.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Turkiga oo ku hanjabay Tallaabo deg deg ah Hadii Suuriya Lagakala Jaro

Abdiaziz Bnnstaff

Midowga Yurub oo ka baaraandegaya in uu cunaqabatayn kusoo rogo qaar kamida wasiirada Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff