Borama News Network

Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika?

Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ku sheegtay in ay wejahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midawga Afrika.

Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted?

Kulankii 44aad ee Golaha Midowga Afrika ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

Fawsiya inkasta oo ay sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda Federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan.
Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore.

Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona.

Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib.

Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

Sidee ayay dowladuhu usoo xulaan musharraxa kursigan, qaabkee ayaana loo doortaa?
Dhammaan musharraxiinta daneynaya inay xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kala wareegaan Faki, ayaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan CV-gooda iyo qoraal kooban oo ay ku sharraxayaan sida ay wax uga qaban karaan arrimaha ugu badan ee walaaca ku haya AU.

Musharraxiinta ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan shuruudda waxbarasho ee Midowga Afrika uu go’aamiyay sida in shahaadada sare ay ka heystaan cilmiga sharciga, xiriirka caalamiga ah, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, maamulka, maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda, sayniska bulshada iyo wixii la mid ah.

Fowsiya ayaa BBC u sheegtay in dowladaha laga doonayo inay keenaan qof u qalma oo maamuli kara 55 dowladood oo Afrikaan ah.Marka ay musharraxiinta soo gudbiyaan araajidooda, Midowga Afrika ayaa eegi doona iyadoo guddi loo saaray uu kala xulan doono musharraxiinta ugu mudan ee isugu soo haraya tartanka xilkan.

Musharraxiinta isku soo hara ayaa loo qaadaa cod qarsoodi ah.

Si musharraxu u guuleysto, waa inuu helaa labo meelood saddex codadka xubnaha guddiga ee madasha jooga isla markaana u qalma inay codeeyaan.

Haddii musharraxna uu helo waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wareegga hore, wareegyo kale oo codbixin ayaa la qabanayaa.

Madaxa AUD ayaa la doortaa afartii sanoba mar, hal jeer ayaana mar kale la dooran karaa qofkii hore u hayay. Ninka haatan xilka haya ayaa kasoo jeeda dalka Chad oo Bartamaha Afrika ku yaalla, waxaana jirta dood ah in hoggaamiyaha xiga laga soo xusho Bariga Afrika.

Related posts

Masar Oo Imaraatka Carabta Jasiirad Kaga Kiraysay Lacag Dhan 35 Bilyan Oo Dolar

Abdiaziz Bnnstaff

Bada Dhiig Ayaan Udaadinaynaa Reer Awdal Kaca Muuse Biixi Waxaan Leenahay”Jahliyada Awdal Ee Irland

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamadda Cadaaladda Dunida oo soo saartay amar ka dhan ah Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff