Borama News Network

Muxuu yahay ‘cudurka halista ah’ ee raggu ka qaadaan cabidda caanaha?

Ragga sida joogtada ah u isticmaala manaafacaadka xoolaha, gaar ahaanna caanaha, ayaa marka la barbardhigo kuwa aan isticmaalin, waxay boqolkiiba 60 halis weyn ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka kansarka ku dhaca kaadi-heysta, sida lagu xusay daraasad cusub.

Daraasaddan oo lagu daabacay joornaalka Mareykanka ka soo baxa ee nafaqada ka faallooda, ayaa waxaa sameeyay baarayaal ka tirsan Jaamacadda Loma Linda, kuwaas oo daneynayay baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya cuntada iyo kansarka kaadi-heysta.

Tan iyo sanadkii 2001, baarayaasha ayaa la socday caafimaadka rag ku sugan Mareykanka iyo Canada. Waxay daraasaddan eegeysay cuntada raggan muddo shan sano ah.

Qaar ka mid ah raggan ayaa laga helay kansarka kaadi-heysta, kaddibna daraasadda ayaa is barbar dhigtay kuwa aan isticmaalin manaafacaadka xoolaha iyo kuwa isticmaalay. Waxaa la ogaaday in ragga maalintii cabay 430 garaam oo caano ah ay boqolkiiba 25 halis ugu jireen kansarka kaadi-heysta, marka la barbardhigo kuwa cabay 20.2 garaam maalintii.

Related posts

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Weerarka Dadku Ku Dhinteen Ee Ka Dhacay Dalka Australia

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiye Ku Xigeenaka Xisbiga Wadani Cabdiraxman Shide Bile Oo Balanqaad Cajiib Ah U Sameeyay Beesha Reer Faarax Yoonis

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Iyo Itoobiya Oo Ku Shiraya Magaalo Xuduudeedka Wajaale Iyo Waxyaabaha Laga Shirayo