Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabtay hadal ay uu ergeyga dawladda Soomaaliya ka jeediyay kulanka Qaramada Midoobay, aas oo uu ku sheeay in heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu la mid yahay iclaamin dagaal.
Ergeyga Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in hadalka uu argeyga Soomaaliya goobta ka jeediyay ay ka buuxeen “Beeno fara badan”.
Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka, waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari.
Itoobiya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in eedo aan dhamaad lahayn oo aan gar ahayn ay mar walba soo jeedinayaan madaxda Soomalaidu.
Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay mar walba ku adkaysanayso in ay dooneyso in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Wasiirka difaaca ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay doonayo in kor loo qaado iskaashiga labada dal, si looga faa’iido danaha ka dhaxeeya ee isaga xiran.
Laakiin safiirka Itoobiya ee hayadda Qaramada Midoobay ayaa qiray, in heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray dalkiisa iyo Somaliland oo aysan aqoonsanayn wadamada caalamku uu yahay mid ugub ku ah dhaqamada caalamiga ah ee la yaqaano.
Balse wuxuu sheegay in uu la mid yahay heshiisyada dhexmara dawladaha ee fursadaha la isku siiyo badaha, ee kirada ah.
“Itoobiya ma dooneyso in ay cidna dhibaato u geysato,” ayuu yiri safiirka Itoobiya, isaga sheegay in heshiiska is-afgarad uu guul laba dhinac la ah u yahay labada dhanba, Itoobiyana siinayo fursad ay badda uga faa’iideysato.
Laakiin booska Soomaaliya ee arrintaan ayaa mar walba cadaa, sida ay horay uga dhawaajiyeen madaxweynaha iyo masuuliyiin kalaba.
Safiir Abuukar Baale ayaa ka dhex sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, in tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeyso Itoobiya ay yihiin kuwa horseedaya soo nooleynta argagixisada, sida ururka al Shabaab, sidoo kalana dhiirigalineysa kala qaybsanaanta qabiil ee ka jirta geeska Afrika.
Ciidamada Itoobiya ayaa muddo ku sugnaa Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2007 dii, xilligaas oo ay caawinayeen dawladdii kumeel-gaarka ahayd ee waqtigaas jirtay.
Sidoo kale haatan ayaa wali ciidamada Itoobiya ku usgan yihiin gudaha Soomalaiya.
Itoobiya ayaa ku doodeysa “in ay nafhurnimo u sameysay nabadda iyo amniga Soomaaliya,” sida uu sheegay safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay.
Hadal kan lamid ayaa sidoo kale waxaa dhawaan jeediyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.
Waxa uu xusay in Itoobiya ay la dagaalameysay ururka al Shabaab in muddo ah, iyada oo ciidamadeeda gaysay gudaha Soomaaliya, si ay Soomaaliya uga kaalmeyso dhanka ciidamada, ayna mar walba diyaar u tahay in ay sidaas oo kale wali u caawiso Soomaaliya.
Heshiiska bilowgii sanadkaan dhexmaray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo Itoobiya ee dhigaya in 20 kiilo mitir oo dhul badeed ah ay Itoobiya saldhig milatari ka samaysato ayaa si wayn uga caraysiiyay Soomaaliya, waxa uuna sababay xiisadda ka dhex dhalatay labada dal ee ilaa iyo hadda taagan.
Xiisadda labada dal ayaa cirka isku shareertay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud uu sheegay in dawladda Itoobiya ay isku dayday in ay ka hor istaagto shirkii Midowga Afrika ee bishaan ka dhacayay magaalada Addis Ababa, isaga oo sheegay in markii dambe uu raacayay madaxweynaha Jabuuti, kadib markii wafdigiisa la hor istaagay.
Itoobiya oo warkaas ka jawaabeysay ayaa beenisay in ay sameysay wax is hortaag ah oo ka dhan ahaa wafdiga madaxeynaha Soomaaliya, balse waxay dhanka kale sheegtay in ay diideen in ciidamo hubaysan ay gudaha u galaan gudaha xarunta uu ka dhacayay shirku, maadaama ay iyagu masuul ka ahaayeen amniga xarunta.
Soomalaiya ayaa kiiskaan u gudbisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Golaha Amaanka, iyada oo marar kala duwan soo saartay war-saxaafadeedyo.
Itoobiya ayaa dhankeeda soo jeedisay in heshiiska aan lala aadin Golaha Amaanka, balse looga hadlo kulanka Midowga Afrika.
Shirar kale oo looga hadlay arrintaan ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay isugu yimaadaan madaxda dalalka ku midoobay urur goboleedka IGAD.