Borama News Network

Muxuu yahay ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti?

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta arrimaha xiriirka ee ka dhaxeeya labada dal, iyaga oo la filaayo in ay diiradda saari doonaan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka; iyada oo uu safarka ku weyliyay Wasiirka Gaashaan dhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, inta uu ku gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa la isku soo qaadi doonaa arrimaha la xiriira wadaxaajoodyada danaha labada dal ee Jabuuto iyo Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo aadayo xilli uu dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Eretariye, isaga oo halkaas kula kulamay madaxweynaha dalkaasi.

Related posts

Beesha Caalamka Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Khilaafka Doorashooyinka Somaliya Oo Cirka Isku Shareeray

Abdiaziz Bnnstaff

“Dawladda Taagta Daran Ee Wasiiradeedu Badaha Iibiyaan Ee Somaliya” Wasiir Buuni Oo U Jawaabay Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

“Dalkeena isku socdkiisu maanta waa 30% ” Maareeyaha hay’adda waddooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff