Borama News Network

Muxuu yahay wejiga labaad ee xabbadjoojinta Qasa ee ay ka wada hadlayeen Netanyahu iyo Trump?

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday in isniintii uu bilaabanayay wadahadal uu la yeelanayo Steve Witkoff oo ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, si ay uga wadahadlaan qodobbada wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta ah.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in Netanyahu uu gaaray Washington gelinkii dambe ee Axaddii shalay, iyadoo lagu wado inuu la kulmo, xiriir ahna la yeesho Witkoff si uu u bilowdo wada xaajoodka wejiga labaad ee heshiiska. Netanyahu ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Talaadada.

Kulamadan ayaa imaanaya ka hor wareegii shanaad ee sii daynta la haystayaasha oo loo qorsheeyay Sabtida. Wadahadallada dadban ee Israa’iil iyo Xamaas ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u bilowdaan toddobaadkan, iyadoo wejiga koowaad ee heshiiska 42 maalmood ah uu ku dhow yahay dhammaadka bisha soo socota.

“Waa kulan aad muhiim u ah,” Netanyahu ayaa u sheegay suxufiyiinta ka hor inta uusan u dhoofin Washington.

Related posts

Madaxwayne Deni Oo Si Diiran Magaalada Garoowe Ugu Soo Dhaweey Madaxwayne Farmaajo

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Somaliland Ee Muranku Ka Taagnaa

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shir Muhiim Ah Oo Uu Kaga Qayb Galiya Dalka Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff