Borama News Network

Naciim Qaasim oo shaaciyay “guusha weyn” ee ay ka gaareen dagaalkii ay Israa’iil la galeen Naciim Qaasim

Xoghayaha guud ee Xisbullah Naciim Qaasim ayaa sheegay in xisbigu uu guul weyn ka gaaray Israa’iil.

Waxa uu hadalkaasi ka sheegay khudbad uu jeediyay Jimcihii shalay, taasoo ah tii u horeysay tan iyo markii xabad joojin labada dhinac ay dhaqan gashay Arbacadii.

“Waxaan go’aansaday inaan ku dhawaaqo natiijada…si rasmi ah oo cad in aan gaarnay guul weyn oo ka sare martay guushii dhacday July 2006,” ayuu yiri Qaasim, isaga oo tixraacaya dagaalkii ugu dambeeyay ee kooxda iyo Israel.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu ku guulaysanay in aanu ka hortagnay in cadawga uu burburiyo Xisbullah, waanu guulaysanay waxa aanu ka hor istaagnay in ay iska caabinta soo afjarto ama ay wiiqanto oo ay gaarto heer ay dhaqaaqi waydo”.

“Taageerada aan siineyno Falastiin ma joogsan doonto, taas oo qaabab kala duwan ah,” ayuu yiri Qaasim, oo intaas ku daray, “Waxaan ku celcelinay in aanan dooneyn dagaal, laakiin waxaan rabnaa inaan taageerno Gaza, waxaana diyaar u nahay dagaal haddii Israel ay soo isbadasho.”

Related posts

Dowlada Jabuuti Oo Sheegtay In Ay Culays Kala Kulan Shidaalka Ay Kala Soo Degto Dalka Jabuuti Ayna Raadinayso Meel Kale Oo Ay Kala Soo Degto Shidaalka

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Milatariga Dowlada Turkiga Oo Duqaymo Ka Fuliyay Qaybo Ka Mid Ah Dalalka Ciraaq Iyo Suuriya

Abdiaziz Bnnstaff

Khasaare ka dhashay duufaan ku dhufatay Koofurta dalka Japan

Abdiaziz Bnnstaff