Borama News Network

Namibiya Oo Xannibtay Markab Looga Shakiyay In Uu Hub-u-Wado Israa’iil

Markab ay mas’uuliyiinta Namibia uga shakiyeen inuu sido shixnad milateri oo ay Israa’iil ugu talo-gashay dagaalka ka socda Qaza ayaa laga hor istaagay inuu ku xidho dalka Koonfurta Afrika ku yaalla.

Wasiirka cadaalada Namibia Yvonne Dausab ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in markabka la joojiyay sababtoo ah waxa uu sitay walxo qarxa oo loo waday Israel.

Markabka MV Kathrin, oo ka soo kicitimay Vietnam, ayaa codsaday oggolaansho uu ku soo xidho dekedda Walvis Bay – ka hor inta aanu u dhoofin woqooyiga, isaga oo ku sii jeeday waddo la tuhunsan yahay oo ku wajahan badda Mediterranean-ka ee sii marta marinka Gibraltar.

Kooxaha xuquuqda ayaa ka digay in Namibia ay ku lug yeelan karto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha haddii ay u ogolaato in markabka uu ku soo xirto.

Lama garanayo sababta uu markabku u doonayay in uu ku soo xidho, laakiin maraakiibta ku jirta safarrada dhaadheer ayaa u badan in ay u istaagaan sahayda, nasinta ama in ay dejiyaan ama rartaan.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, dalka Namibia ee deriska la ah iyo Koonfur Afrika ayaa ka billaabay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) dacwad ka socota Israa’iil in ay xasuuq ka geysatay Gaza. Israa’iil waxay diiday eedeymaha xasuuqa oo ay ku tilmaantay “mid aan sal lahayn”.

Related posts

“Wasiir dambe oo gaadhi V8 ah wadanayama jiro..” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag Ula Hadlay Wasiirada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Yemen oo markab kale ku weeraray xeebaha u dhow Soomaaliya iyo falcelin adag oo ay la kulmeen

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Yihiin Danaha Gaarka Ee Dalka Turkigu Ka Leeyahay Dalalka Qaarada Africa?

Abdiaziz Bnnstaff