Borama News Network

Netanyahu oo Kamala Harris ku mucaaraday go’aankii ay ugu sheegtay in uu joojiyo Dagaalka Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa qaaday tallaabooyin ka dhan ah Haweeneyda Xilka Madaxweynaha Mareykanka u sharraxan sanadkaan ee matalaysa Xisbiga Dimuqraadiga ee Kamala Harris oo si cad u diiday sii socoshada Dagaalka Gaza.

Kamala Harris ayaa shalay sheegtay in la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa Dagaalka Magaalada Gaza oo dhibaatooyin badan dhaliyay sida waxyeellada ay Israaiil gaysatay iyo kan kasoo gaaray sidaas awgeed loo baahan yahay Xabbad-joojiyo & wadahadal.

Netanyahu ayaa waxyar kaddib markii uu la kulmay Ninka la tartamaya Kamala Harris waa Donald Trump isaga oo si cad u sheegay in uu garab istaag xooggan u muujinayo Madaxweynihii 45aad ee Maraykanka si uu u damiyo hadal-haynta ka dhalatay mowqifka Haweeneydaas.

Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa marar badan dhibsaday in Xabbad-joojin uu ku dhawaaqay maadaama go’aankiisii qir iska tuurka ahaa uu horay u diiday in dagaalka la joojiyo uu sii saaray culeys dhinacyo kala duwan uga yimid.

Mareykanka ayaa Hub & agab kala duwan si indha la’aan ah u siiya Israaiil, Xitaa Askar Ameerikaan ah oo ka difaaca dagaalladaas cusub ayaa la sheegay in la geeyay Bariga Dhexe si ay uga hortagaan culeyska saarnaan Ciidanka Israaiil.

Related posts

Xaalada Sixir Bararka Ee Ka Taagan Dalka Nigeria Oo Halkii Ugu Saraysay Gaadhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

” Itoobiya Gudaheeda Ayaa Ku Kala Qaybsan Heshiishka Badda ” Cabdilaahi -dahab

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweynaha Waa Sameyn Karaa In Uu yiraahdo Dastuurka waala Ansixiyay,Laakiin Dastuurka…’

Abdiaziz Bnnstaff