Borama News Network

Netanyahu oo xannuunsanaya Iyo culayska Xukuumaddiisa saaran oo sii kordhay

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa lagu soo warramay in uu markale dareemayo xannuun dhinaca wadnaha ah oo horay qalliin loogu sameeyay lagu guulaystay in lagu rakibo qalabka batariga ku shaqeeya ee macmalka ah.

Netanyahu waxa ay dhaqaatiirtiisu kula taliyeen in uu nasasho badan sameeyo isla markaana ka fogaado wax weliba oo kordhin kara cadaadiska wadnihiisa maadaama uusan si dabiici ah u shaqayneen oo uu qalliin galay.

Dhaqaatiirta gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Israaiil ee Benjamin Netanyahu ayaa 1dii Abriil sanadkaan 2024 kula taliyay in uu sameeyo nasiino badan si uu jirkiisa u helo soo kabasho degdeg ah oo xaalad caafimaad ahaan u wanaagsan.

Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Israaiil ayaa sheegtay in dagaalka ku waqti dheeraaday Benjamin Netanyahu, dibadbaxyada xooggan ay dhigayaan ehelka dadkooda la haysto iyo cadaadiska Xukuumadda gudaheeda ah ayaa ah culayska ug wayn ee saaran.

Xubno katirsan Xukuumadda Netanyahu ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay balse uu u baahan yahay hubin & la socod joogta ah si looga warqabo xaaladda Ra’iisul Wasaaraha Israaiil qalliimo kala duwan horay u galay.

Related posts

Sacuudiga Oo Soomaaliya Ku Garab Istaagay Ilaalinta Madaxbannaanida Iyo Midnimada Dhuleed.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxtooyada Somaliya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Safarka Madaxwayne Xasan Sheekh Ee Dalka Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff

Labo Wiil Oo Walaalo Ah Oo 12 Il Bidhiqsi Oo Kaliya Ku Dhacay Lacag Dhan 25 Milyan Oo Dolar Iyo Sida Ay Ugu Suuro Gashay

Abdiaziz Bnnstaff