Borama News Network

Nidaamka milatariga ee Niger oo barnaamijyada BBC da ka mamnuucay dalkooda

Dowladda militarigu hugaaamiyaan ee Niger ayaa shaqada ka joojisay BBC-da gudaha dalkeeda muddo seddex bilood ah, iyadoo ku eedeysay inay faafisay warar been abuur ah oo khalkhal gelin kara nabadda bulshada iyo niyad jabinta ciidamada dagaalka kula jira kooxaha jihaad doonka ah.

Wasiirka Isgaarsiinta ee Niger Raliou Sidi Mohamed ayaa ku dhawaaqay in go’aankan uu si degdeg ah u dhaqan gali doono.

Barnaamijyada BBC, oo ay ku jiraan Hausa, oo ah luqadda ugu badan ee Niger looga hadlo, iyo luuqadda Faransiiska, ayaa laga sii daayaa waddanka oo dhan iyada oo la sii marayo raadiyayaal maxallia ah, waxaana barnaamijyadaas ay gaaraan ilaa 2.4 milyan oo qof oo waddanka ku nool sannadkii – qiyaastii 17% dadka dhagaysta ayaa ah kuwa qaangaarka ah.

Inkastoo barnaamijyada idaacadaha BBC-da la hakiyay, haddana mareegaha lama xannibin, raadiyahana weli waa la geli karaa mowjadaha gaagaaban.

Dowladda Niger ma aysan sheegin baahin gaar ah oo sababtay hakinta barnaamijyada BBC da, balse waxay daba socotaa warbixino BBC-da baahisay kuwaas oo ku saabsanaa weeraro kooxaha jihaadiyiintu ay qaadeen oo Talaadadii ka dhacay gobolka Tillaberi, oo la sheegay in lagu dilay 91 askari iyo ku dhawaad ​​50 qof oo rayid ah.

Related posts

Waxaan Ku Baaqayaa In Marnaba Ciidamada Aan Loo Adeegsan Arimaha Siyaasada” Raysal Wasaare Xamse

Abdiaziz Bnnstaff

Weerarada Isreal Ee Gudaha Dalka Lubnaan Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Barakac Ka Dhasho

Abdiaziz Bnnstaff

Gudida dhalinyarada Beesha Reer-ciise oo caawa Afur iyo casho wadareed usameeyay Odayada Aqoonyahanka iyo Qaar kamida dhalinyarada BeeshA

Mustafe haji