Borama News Network

Nin Mindi watay oo Magaalada Tel Aviv ku beegsaday Dad Yuhuud ah

Nin Mindi watay oo ilaa hadda aan la garan halka uu asal ahaan ka yimid ama kasoo jeedo ayaa nafta dhaafiyay labo ruux halka saddex kale uu dhaawac u geystay sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha amniga Israaiil.

Qof kamid ah Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa markii dambe geeriyooday iyada oo taasi wadarta Dhimashada ka dhigtay 3 ruux halka diiwaanka dhaawaca uu yahay 2 qof oo lagu daweynayo mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Tal Aviv.

Ciidamada Ammaanka Israaiil ayaa soosaaray digniin cusub oo la xiriirta in ay ka feejignaadaan weerarro kale oo ka dhici kara dhulka Yuhuudda xoogga uga heysato Falastiin maadaama dad badan oo careysan ay ficil ku dhaqaaqi karaan sida hadalka loo dhigay.

Goobaha ay Dadku isugu tagaan ee Magaalada Tel Aviv ayaa intooda badan loo dhaweeyay ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka si ay u xiraan ama u toogtaan qof weliba oo ay tuhun ama shaki ka qaadaan.

Dhowr jeer waxaa Magaalada Tal Aviv oo kamid ah meelaha inta badan Ciidanka Israaiil ay xoogga saareen sugidda Amnigeeda ka dhacay weerarro kala duwan sida kuwo loo adeegsaday Mindi iyo kuwo kale oo lagu fuliyay Gaari la dulmariyay.

Related posts

” Itoobiya Gudaheeda Ayaa Ku Kala Qaybsan Heshiishka Badda ” Cabdilaahi -dahab

Abdiaziz Bnnstaff

“Xeerkaasi golaha guurtida ayuu ku soo noqonayaa markale , hadii kale madaxweynuhu maxkamada hageeyo” Xildhibaan Maxamed Cabdiraxman

Abdiaziz Bnnstaff

“Muuse Biixi Waxa Uu Dambi Ka Galay Dalka Iyo Dadka Somaliyeed” Gudoomiye Aadan Madoobe

Abdiaziz Bnnstaff