Borama News Network

Nin Turkish Ah Oo Dilay Waalidkiisa, Xaaskiisa Iyo Wiilkiisa Iyo Waxa Ku Kalifay Oo La Soo Ogaaday

Nin 33 jir Turkish ah ayaa Axadii shalay ku dilay magaalada Istanbul toddoba qof, oo ay ku jiraan waalidkiis, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay oo 10 jir ahaa, ka hor inta uusan is-dilin, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen Isniinta maanta ah.

Ninkan oo meydkiisa laga helay gaarigiisa wax yar ka dib markii uu toogashada sameeyey ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu dhaawacay laba qof oo kale oo qoys kale ka tirsan, oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska barasaabka Istanbul.

Mas’uuliyiinta oo tirada dhimashada ku sheegay afar, fiidnimadii Axadda, ayaa Isniinta maanta ku dhawaaqay in meel u dhow haro ku taalla xeebta Istanbul ee qeybta Yurub laga helay meydka xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, iyo sidoo kale meydka soddohdiis.

Sida laga soo xigtay hay’adda Small Arms Survey (SAS), oo ah hay’ad cilmi-baaris dhanka hubka yaryar ah, in ka badan 13.2 milyan oo hub ah ayaa dhex socda Turkiga, oo intooda badan si sharci darro ah lagu haysto, halka shacabka dalka ay gaarayaan 85 milyan.

Related posts

“Xeerku sharci ahaan madaxweynuhu horyaalaa, waxaana la gudboon..” Garyaqaan Xamdi Khaliif

Abdiaziz Bnnstaff

Militariga Israaiil Oo Weerar Ka Fuliyay Gudaha Dalka Suuriya. Iyo Faahfaahino Ka Soo baxaya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Garoowe

Abdiaziz Bnnstaff