Borama News Network

Nin u dhashay Afghanistan oo loo haysto in uu khaarijin rabay Donald Trump

Dowladda Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay muwaadin u dhashay dalka Afghanistan oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qorshe dhagreed ay soo abaabushay Iran oo lagu dili rabay Donald Trump ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha.

Waaxda cadaaladda ayaa dacwad ku soo oogtay Farhad Shakiri oo 51 jir ah Jimcihii.

Farhad ayaa lagu eedeeyay in loo xilsaaray ‘qorsheynta’ si uu u dilo Trump.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Shakiri aan gacanta lagu hayan lana rumeysan yahay inuu ku sugan yahay dalka Iran.

Dacwad ayaa waxaa la geeyay maxkamadda Manhattan, dacwad oogayaasha ayaana ku eedeeyay in sarkaal ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran uu ku amray Shakiri bishii Septemper inuu qorsheeyo sahminta iyo dilka Trump.

Waaxda cadaaladda ayaa sidoo kale dacwad ku soo oogtay laba nin oo kale oo la sheegay in loo diray dilka wariye Mareykan ah oo dhaleeceeya Iran.

Waaxda cadaaladda ayaa magacyadooda ku kala sheegtay Carlisle Rivera, oo 49 jir ah, iyo Jonathan Loadholt, oo 36 jir ah.

Labadan qof ayaa Khamiistii ka soo muuqday maxkamada degmada koonfurta New York, waxaana lagu sii daayay xabsiga inta ay socoto dacwada.

Related posts

“Kulmiye Waxaan U Aqaanaa Xisbiga Cayda iyo Maxishoodayaasha”Aqoonyahan Ismaaciil Lugwayne

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaaradaha Israa’iil oo duqeymo ka gaystay Koonfurta Lubnaan

Abdiaziz Bnnstaff

Khatar Caafimaad Oo Culus Oo Ku Soo Fool Leh Dadka La Nool Xanuunka Macaanka Oo Laga Digay

Abdiaziz Bnnstaff