Borama News Network

Osman Saleh “Eretareeya duullaan kuma ahan Itoobiya, mana taageerto Tigray”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eretareeya Osman Saleh ayaa beeniyay in Dowladdiisa ay duullaan ku tahay Itoobiya kaddib markii Ciidamo badan oo ay dhigtay xadka ay la wadaagto Dalkaas iyada oo hadal hayn badan ka dhalatay tallaabadaas.

Osman ayaa tilmaamay in arrinta Ciidamada Eretareeya la geeya Xadka ay tahay mid xaqiiq ah balse sababta loo geeyay ay tahay adkaynta nabadgalyada, waxa uu intaas ku daray in aanay ka baxsanayn xeendaabka xuduudda ee Qaramada Midoobay ogtahay.
Saleh ayaa shaaciyay in Bihsii Nofeembar sanadkii 2024 la geeyay Ciidamada Eretareeya Dhulka Xuduudda ku teedsan si ay uga hortagaan qulqulatooyinka ka jira Gudaha Dowladda Federaalka Itoobiya, tani ayuu ku sifeeyay in ay tahay mas’uuliyadda amniga oo la adkeeyay.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Eretareeya ay garab istaag u muujisay Kooxo katirsan Tigray ee Waqooyiga Itoobiya kula dagaalamaya Ciidamada ka amar-qaata Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee dhowrkii sano lasoo dhaafay ay is hayeen.

“In Eretareeya ay isku diyaarineyso dagaal ay la gasho Itoobiya waa been, Ciidanka Difaaca Eretareeya waxaa Bishii Nofeembar loo daabulay xuduudda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay, waaa been in Eretareeya ay taageereyso Tigray si ay usii xoojiso isku dhacyada Gobolka” Ayuu yiri Osman Saleh, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Dhowaan waxaa baraha Bulshada qabsaday in Itoobiya ay damacday Dekedda Casab oo Eretareeya ay la go’day markii ay madaxbannaani ka qaadatay Dalkaasi, waxaa hadallo adag is dhaafsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan labada Dal.

Related posts

Amb.Salaad Cali Jeelle” Abiy Axmed Hadduu Baddeena Soo Damcay Anaguna Harar Ayaanu Aadeynaa”

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada India Oo Si Wayn Uga Cadhootay Talaabo Ay Qaaday Safiirka Ingiriiska U Dhifay Dalka Pakistan

Abdiaziz Bnnstaff

Militariga Mareykanka oo sheegay inay Soomaaliya ku dileen 3 ka tirsan dagaalyahannada ISIS

Abdiaziz Bnnstaff