Borama News Network

Pakistaan: Soddon Ilaa Afaratan Qof Oo Mayd Ah Ayaa Maalin Kasta Isbaallada La Dhigaa

Iyadoo heerkulku uu sare u kacay koonfurta dalka Pakistan, ayaa waxaa sidoo kale korortay tirada dhimashada.Shirkadda gawaarida gurmadka degdeg ah ee Edhi ayaa sheegtay in ay caadi ahaan qaaddo 30 ilaa 40 mayd oo ay geyso goobaha meydka ee Karachi maalin kasta.

Laakiin lixdii maalmood ee la soo dhaafay, waxay ururisay 568 dad geeriyooda ah oo 141 ay dhinteen Talaadadii oo keliya.

Si kastaba ha ahaatee, sare u kaca tirada dhimashada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo heer kulka magaalada Karachi uu kor u kacay 40 darajo.

Dadku waxay ayaa tagayaan isbitaallada si ay gargaar u helaan. isbitaalka dadweynaha ee Karachi waxaa kuleyl dartii loo dhigay 267 qof intii u dhaxaysay Axadii iyo Arbacadii shalay, sida uu sheegay Dr Imran Sarwar Sheekh, oo ah madaxa qaybta gurmadka.

12 ka mid ah ayaa dhintay. “Inta badan dadka aan aragnay oo imaanayay isbitaalka waxay da’doodu u dhaxaysaa 60-70-sano jir, inkastoo ay jireen ku dhawaad ​​45-qof iyo xitaa lamaane da’doodu ay tahay 20-sano,” ayuu Dr Sheekh u sheegay BBC-da.

Xaaladda ka taagan Pakistaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay dad badan kuleyl dartii ugu dhintay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Hindiya.

Related posts

Madaxwayne Cabdiraxman Ciro Oo Gudi Heer Qaran Ah Magacaabay Iyo Shaqada Gudigaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Wacad Ku Maray In Ay Beegsan Doonaan Maraakiibta U Socta Dekedaha Isreal

“Reer Awdal waxaan ugu baaqeyaa in ay cod iyo cududba ku garab istaagaan xil Maxamed Abiib” Garyaqaan Mukhtaar

Abdiaziz Bnnstaff