Borama News Network

Prof Jawaari: Oo ka Mida Ahaa Dadkii Ugu Waqti Dheeraa Ee La Soo Shaqeeyey Dowlad Soomaaliyeed Oo Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof Maxamed Cismaan Jawaari sida uu BBCda u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Eheladiisa ayaa BBCda u sheegay in uu si caadi howlahiisa u watay galinkii hore balse si kadis uu u geeriyoday.

Prof, Jawaari ayaa door weyn ku lahaa dibu dhiska Soomaaliya, waana mid ka mida ah dadkii waqtiga dheer ku soo jiray dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka tacsiyey geeridiisa ayaa ku tilmaamay inuu Prof Jawaari, ahaa mid taariikhda dalka ku leh horumarin iyo dhismaha haya’addaha dowladnimadda.
‘Wuxuu ahaa nin dowladeed, nin qaran ,wuxuu ahaa raasumaal adag oo ka baxay Soomaali oo dhan. Waxaa u ahaa qof ay adag tahay in laga dhex helo Soomaalida dhanka siyaasadda“ ayuu yiri Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo BBCda la hadlay.
Waxaa la rumaysan yahay in Prof Maxamed Cismaan Jawaari, uu ka mid yahay dadka waqtiga ugu dheer u soo shaqeeyey dowladihii soo maray Soomaliga laga soo bilaabo dowladii lixdankii.

Sida uu BBC-da u sheegay Xuseen Sheekh Maxamuud, Prof Jawaari wuxuu ahaa tiir adag u ahaa dowladnimadda casrigaa ee Soomaaliya.

Prof. Maxamed Sheekh Osmaan Jawaari, ayaa dowladinada u soo shaqa bilaabay isagoo da’a yar.

Related posts

Cabdiraxman Ciro Waa Miskiin Oo Xirsi Baa Wata Xirsina Waad Garanaysaan” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

“Togdheer Iyo Awdal Waa Isku Duruuf Isbedelkana Iyagaa Keenaya” Afhayeenka Xisbiga Waddani.

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxay Ahayd In Somaliland Iyo Khaatumo Lagala Tashado Wax-Ka-Beddelka Dastuurka” Madaxwayne Hore Farrmaajo

Abdiaziz Bnnstaff