Borama News Network

Puntland oo Sheegtay in ay horumar ka sameysay wajiga 3aad ee howlgallada ka dhanka ah Daacish

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa guullo ka sheegatay howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka scoda Gobolka Bari, saraakiil katirsan ciidamada Difaaca ayaa sheegay in ay gudaha u galeen qaar kamid ah Saldhigyada Koooxdaas oo gacantooda soo gashay.

Sarkaal katirsan Ciidamada howlgallada wada ayaa sheegay in askar katirsan kuwa Difaaca Puntland ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dagaal ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad Gobolka Bari halka dhanka Daacsh ay gaarsiiyeen khasaara xooggan.

Puntland ayaa sheegtay in tobanneeyo katirsan xubnaha ay dagaalka kala hortageen ee Daacish lagu dilay howlgalladaan oo ka xooggan wajiyadii 1aad iyo 2aad maadaama gudaha buuraha ay galeen ciidanka Difaaca Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jimcihii sheegay in uu si rasmi ah u billowday wajiga saddexaad ee howlgalka ka dhanka ah Daacish kana xooggan labadii heer ee ka horreeyay.

Dagaalka dhulka ee Ciidamada Puntland ay kula jiraan Daacish waxaa xoojinaya weerarro duqeymo ah oo Diyaaradaha Duulliye la’aanta Maraykanka iyo Imaaraatka ay fulinayaan kuwaas oo khasaara badan gaarsiiyay Kooxda.

Related posts

Hay’adaha Ammaanka Puntland oo Boosaaso ka baadi-goobaya Rag hubaysan oo Dilay Nin Ganacsade ah

Abdiaziz Bnnstaff

Xasan Sheekh oo booqday xerooyinka tababarka ciidanka Soomaalida ee Dalka Eritrea + SAWIRRO

Abdiaziz Bnnstaff

Cudurka Daacuunka Oo Ka Dilaacay Dalka Sudan Iyo Ku Dhawaad 100 Qof Oo U Dhintay Xanuunkaasi

Abdiaziz Bnnstaff