Borama News Network

Puntland oo sheegtay in goobihi ay Daacish ka qabsatay kala kulantay ‘wax lama filaan ah’

goobihi ay ka haysteen dhulka buuraleyda.

Ka dib muddo maalmo ah oo dagaalo qaraar ay ka socdeen Buuleyda ayaa waxaa saraakisha Puntland sheegeen in gacanta lagu dhigay goobo muhiim ah oo ay Daacish ku sugnaayeen.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo BBC la hadlay ayaa xusay in dhul badan ay gacanta ku dhigeen ciidamada Puntland.

Boqolkiiba 40 oo kali ah ayuu sheegay in ay kaga harsan yihiin buuraleyda.

“Wax aad u tira yar ayaa haray oo la filayo labad usbuuc ee soo socda” ayuu yiri Mr Ceydiid.

Waxa uu sheegay in wali ay jiraan goobo haray oo ay Daacish ku xoogan yihiin halkaasi oo ay filayaan in dagaal adag u ka dhici karo.

Related posts

Madaxwaynaha Turkiga oo ku hanjabay Tallaabo deg deg ah Hadii Suuriya Lagakala Jaro

Abdiaziz Bnnstaff

Waraysi Xiiso Badan Oo Laga Qaaday Haweenayda Ugu Darajada Saraysa Haweenka Ee Booliska Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

RaysaL Wasaare Xamsa Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Ku Wajahan Gobolka Jubada Hoose

Abdiaziz Bnnstaff