Borama News Network

Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Rabshada Ka Dhanka Ah Shacabka Koofurta Suudaan

Nicholas Haysom oo ah Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Koofurta Suudaan loona soo gaabiyo UNMISS ayaa ka digay rabshadaha kasoo cusboonaaday Dalkaas oo galaaftay nolosha Dad badan oo rayid ah sida warbixintiisa uu ku muujiyay.

Haysom ayaa Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir Mayardit & ku xigeenkiisa Riek Machar ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nidaamka dowlad dhiska si taageerayaashooda uga fogaadaan dhibaatooyinka ka dhex dhasha is qabqabsigooda.

Kumanaanka ruux ee ku naf waayay dagaallada siyaasadda ku saleysan ee taageerayaasha Madaxweynaha Suudaanta Koofureed iyo ku xigeenkiisa ku dhexmaray gobollada dhinaca Miyiga ah ee asal ahaan kasoo jeedaan.

Colaadda Koofurta Suudaan ayaa loo saleynayaa nidaamka dhinaca doorashooyinka, Madaxweyne Salva Kiir ayaa sanadkii 2023 joojiyay doorashadii la filyay halka 2026 uu sidoo kale dib u dhigay sida wararku sheegayaan.

Related posts

Israa’iil oo duqaysay Lubnaan ka dib gantaalkii ugu horreeyey ee looga soo ganno dalkaas tan iyo xabad-joojintii

Abdiaziz Bnnstaff

“Doorashadu yaanay Xanaf inoo Keenin Shacabkuna Cidda ay Doonayaan ayey u Codaynayaan” Madaxwayne Biixi

Dowlada Jabuuti Oo Soo Dhawaysay Go’aanka Ay Koonfur Africa Maxkamada Kula Tiigsanayo Isreal

Abdiaziz Bnnstaff