Borama News Network

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Iiraan Ay Daldashay Ugu Yaraan 901 Qof Sanadkii 2024

Ugu yaraan 901 qof ayaa la sheegay inay Iiraan daldashay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana ka mid ah 40 hal toddobaad gudihiis la dilay bishii December, sida uu sheegay madaxa xuquuqda bani’aadannimada QM.

“Waa wax aad dadka u dhibaya haddana weli waxaan aragnaa kororka tirade dilka lagu xukumo Iiraan sanad ka sanad,” ayuu yiri Volker Türk.

Wadarta guud waa tii ugu badneyd ee la diwaan-geliyo muddo sagaal sano ah waxayna tusaale u tahay koror 6% ah laga soo bilaabo sanadkii 2023, markaas oo 853 la daldalay.

Inta badan dadka ayaa loo daldalay dembiyo la xiriira daroogo, balse mucaaradka iyo dadka lala xiriiriyay dibad-baxyadii 2022 ayaa sidoo kale la dilay, sida ay sheegtay QM. Waxaa sidoo kale soo kordhaya tirada haweenka la daldalay.

Related posts

“Farmaajo Nin Uu Hore u Dilay Ayuu Leeyahay Hadalka Maxaa Looga Joojiyay” Xildhibaan Caana-nuug

Abdiaziz Bnnstaff

Koox Daacad U Ah Madaxwaynihii Hore Ee Suuriya Bishaar Al Asad Oo Dad Ku Laayay Gudaha Suuriya

Abdiaziz Bnnstaff

Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Deegaanka Fadhiyar Ee U Dhexeeya Deegaanada Oog Iyo Guumays Iyo Wararka Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff