Borama News Network

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdusho Iyo Dad Shacab Ah Oo Ku Dhintay Qaraxaasi

In ka badan 7 Qof qofood oo la socotay gaari BL ah (Home) iyo Mooto Bajaaj ayaa xalay ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qarax ahaa miinada nooca soo booda ayaa qabsaday shacabkii la socday gaariga BL-ka ah iyo mooto Bajaaj-ta, waxaana halkaas ku geeriyooday 7-qof, waxaana intaas ka badan karta tirada dhimashada Sida ay warbaahinta Risaala u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah .Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa laga qaaday goobta, waxayna dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ahaa miino ka soo booday laamiga geeskiisa.

Ciidamada amniga iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa gaaray goobta oo soo daabulay dhaawacyada iyo meydadka dadkii Qaraxa ku geeriyooday

Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhay qaraxayada dadka shacacka waxyeelada ay ka soo gaaray

 

Related posts

” Laba Heesood baan u qaadi Cabdiraxmaan Cirro Istaqfurullahna Wan Odhan… ” Maxamed Bk.

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xadhiga Wasiir Hore Axmed Muumin Seed

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Ilaada Xeebaha Ee Dalka Gariiga Oo La Ogaaday In Ay Dad Somali Ah Badda Ku Daayiyeen

Abdiaziz Bnnstaff