Borama News Network

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Iiraan Oo Ay Dad Badan Ku Dhinteen

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay halka 800 oo kalena ay ku dhaawacmeen kadib qarax xooggan oo ka dhacay mid ka mid ah dekadaha Iiraan ugu weyn, sida uu maamulku sheegay.

Qaraxa ayaa shalay subax ka dhacay Shahid Rajaee, oo ah dekadda ganacsi ee ugu weyn dalkaas, waxayna u dhowdahay magaalada koofureed ee Bandar Abbas.

Wuxuu sidoo kale la kacay daaqadaha iyo saqafyada dhismooyinka u dhow wuxuuna burburiyay gawaari. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay saameynta qaraxa ka dareemeen meel ka fog 50km (31 meyl).

Muuqaallo ay BBC-du xaqiijisay ayaa muujinaya dab xooggan oo kacay kahor qaraxa, iyadoo dadku ay ka cararayeen qaraxa halka la arkayay qaar kale oo iyagoo dhaawac ah waddooyinki daadsan.

Shirkad arrimaha badda oo gaar loo leeyahay ayaa aaminsan in qaraxu ka dhashay kunteenarro ay ka buuxeen shidaal loogu talo-galay gantaallada, kuwaas oo aan si habboon loo maareyn.

Related posts

Dowlada Jabuuti Oo Sheegtay In Ay Weli Jawaab Ka Sugeyso Itoobiya Oo Ay U Balanqaaday Deked Ay Si Gaar Ah Wax Ugala Soo Degto

Abdiaziz Bnnstaff

Xaalada Dalka Sudan Oo Cakiran Iyo 17 Qof Oo Ku Dhintay Daada Waawayn Oo Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Puntland oo howlgallo ay ka fuliyeen Buuraha Caalmiskaad ku qabtay hub iyo Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

Abdiaziz Bnnstaff