Borama News Network

Qaraxyo lagu weeraray guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Laamaha ammaanka ee Israa’iil ayaa waxa ay sheegeen in ay saddex ruux oo tuhmanayaal ah u qabteen laba bam oo shalay ku soo dhacay meel u dhaw hoyga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

“Habeenkii xalay waxaanu qabanay saddex tuhmanayaal ku lug lahaa dhacdada,” oo ka dhacday Caesarea oo ah bartamaha Israa’iil, waxaa kale oo warka lagu sii yiri in ay wajahi doonaan baaritaan wadareed ay ku sameyn doonaan booliska iyo laanta sirdoonka gudaha ee Shin Bet.

Laamaha ammaanka ee Israa’iil ayaa waxay sheegeen sabtidii in laba bam ay ku soo dhaceen wajiga hore ee guriga uu degan yahay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, in kasta oo uusan ku sugnayn hoygiisa xilligaas waxa uu ku tilmaamay falkaan “mid aan la dhayalsan karin”.

Booliska iyo hay’adda sirdoonka Shin Bet ayaa xaqiijiyay in qoyska ra’iisul wasaaraha aysan ku sugnayn guriga xilligii ay wax dhacayeen.

Cidda soo tuurtay labada bam ayaan ilaa iyo hadda si sax ah loo ogayn.

Bishii October 22 keedii ayaa sidaan oo kale diyaarad aan duuliye lahayn oo nuuc yar ah lagu soo weeraray hoyga ra’iisul wasaaraha, isla sidaan oo kale Netanyahu kuma uusan sugnayn gurigiisa xilligaas sida xafiisku uu baahiyay.

Balse weerarkaas markii uu dhacay saddex maalin ka dib, XIsbullah ayaa sheegatay masuuliyadda.

Related posts

Dowlada Kenya Oo Itoobiya Siinaysa Dekedda Lamu Si Looga Baaqsado In Uu Sii Xoogaysto Khilaafka Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaa La Kala Dooranayaa Burburin Iyo Badbaado” Ex Wasiir Cabdi Cismaan Dhegawayne

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hay’adaha ammaanka faray in ay baaris ku sameeyaan weerarka ka dhacay Xerada Gen Gordan.

Abdiaziz Bnnstaff