Borama News Network

Qaraxyo waaweyn oo gilgilay Lubnaan iyadoo duqeymaha Israa’iil ay socdaan

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil fulisay ayaa sababay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay meel u dhow garoonka caalamiga ah ee magaalada Beyruut.

Waxay ahayd habeen kale oo ay dhaceen weeraro cirka ah oo lagu beegsanaayay sida la sheegay kooxda Xisbullah oo ku sugan magaalada Bayruud.

Beegsigu ma cadda, balse garoonka wuxuu u dhow yahay Daahiya- oo ah xarunta Xisbullah ee caasimadda.

Wararkasee waxay sheegayaan in Israa’iil ay si gaar ah u bartilmameedsaneyso Hashem Safieddine oo la wareegi doono xilka hogaamiyaha kooxda, kaas oo ay ilma adeer yihiin hogaamiyihii Xisbullah ee dhawaan la dilay, Xassan Nasrallah.

Qiiq weyn ayaana ka muuqda magaalada Beyruud subaxnimadan Jimcaha markii waagu beryay.

Related posts

Reer Awdal Qado Iyo Bariis Ugana Baahna Xukuumada Ee Waxqabad Ayay U Baahanyihiin” Afhayeenka Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Dablay Hubaysan oo weerartay Telefishan barnaamij Toos ahi ka socday.

Abdiaziz Bnnstaff

“Ucid Anigu Ma Ceeb Ayaan La Hor Taagnaa Hadaan Dhaco Ma Ceeb Baa “Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff