Borama News Network

Qaybo ka mid ah dalka Nigeria oo daadad harqiyeen iyo malaayiin qof oo ku barakacay

Guddoomiyaha gobolka Borno ee dalka Nigeria ayaa sheegay in ilaa laba milyan oo qof lagu qiyaasay inay hadda saameeyeen daadad ku dhuftay gobolka waqooyi bari.

Barasaabka, Babagana Zulum, ayaa BBC-da u sheegay in kala bar caasimadda gobolka, Maiduguri, ay biyo qariyeen kumanaan qofna ay haysato cunto yari iyo hoy la’aan. Daadadkan ayaa daba socda burbur gaaray biyo-xireen horraantii toddobaadkan kadib markii roobab xooggan ay da’een.

Milateriga Nigeria iyo shaqaalaha gurmadka deg degga ah ayaa isticmaalayay doonyo iyo gawaari si ay dadka u badbaadiyaan, waxaana QM ay cunto ka qeybineysaa dhowr xero.

. Dhammaan xuduudka Cameroon, kumanaan guri ayaa ku burburay daadadka. Chad, ugu yaraan saddex boqol oo qof ayaa ku dhintay roobab aan caadi ahayn oo toddobaadyo socday.

Related posts

Haweenka Magaalada Jigjiga Oo Go’aan Ku Gaadhay In Jabiyaan Kharashaadka Guurka

Dagaalyahanada Qazaam Ee Reer Falastiin Oo Soo Bandhigay Muuqaali Cusub Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Xasan Cali Kheyrre”Dastuur Cusub Oo Aan Heshiis Lagu Ahayn Ayaa Loo Qorayaa Bulshada Soomaaliyeed”

Abdiaziz Bnnstaff