Borama News Network

Qofkii ugu horreeyay ee laga daweeeyo kansarka maskaxda ku dhaca oo muddo sanad kaddib ka caafimaad qaba cudurka

Kaddib sanad markii lagu sameeyay daweynta loo yaqaano glioblastoma, dhakhtarka reer Australia ee Richard Scolyer ayaa ka caafimaaday cudurka Kansarka.

Salaasadii ayaa 57 jirkan oo la saaray iskaanka MRI, waxay muujisay mar kale in uu ka bad qabo burada madaxa uga taalay.

‘’Haddii aan si daacada u hadlo, Aad baan uga welwelsanaa dhammaan iskaanadii hore,’’ ayuu u sheegay BBC-da Dr Richard Scolyer.

‘’Hadda waan faraxsanahay… ma wax aan lagu farxin baa.’’

Prof Scolyer waxa uu kamid yahay dhakhaatiirta loogu xushmada badan yahay, waxana sanad kan loo magacaabay dhakhtarka Australia isaga iyo dhakhtarada ay shaqo wadaaga yihiin ee Georgina Long.

La gudoomiyayaasha Machadka Australia ee Melanoma ayaa muddo ka badan toban sano waxay sameeynayeen cilmi baaris ku saabsan waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘’immunotherapy’’ kaas oo loo isticmaalay hannaanka difaaca jirka si loo weerarro unugyada kansarka, waxayna muujisay horumar la yaab leh bukaanaddii loo isticmaalay dunida. Kala bar dadkaas ayaa qayb ahaan la daweeyay, taasoo ka yar 10%.

Cilmi baaristaas ay sameysay Prof Long, oo ay qayb ka ahaayeen dhakhaatiir kale ayaa loo isticmaalay in lagu daweeyo Prof Scolyer – taasoo muujinaysa rajada ah in dawo loo helo nooca kansarka maskaxda ku dhaca.

Related posts

Dowlada Somaliya oo ka digtay duufaano cusub oo ku wajahan magaalooyinka Xeebaha dhaca

Abdiaziz Bnnstaff

Isbedelo Waawayn Ayuu Sameeyay Garsoorka Dalku” Gudoomiye Baashe

Abdiaziz Bnnstaff

Diblamaasi Muddo 40 Sano Ah Basaasayay Dowlada Maraykanka Oo Lagu Xukumay Xabsi 15 Sano

Abdiaziz Bnnstaff