Borama News Network

Qoysas laga dumiyay Guryihii ay degenaayeen oo maanta Dibadbax ka dhigay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Qoysas dhowaan laga burburiyay guryihii ay ka degenaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa maanta dhigay Dibadbax ay ku sheegeen in ay ku raadsanayaan Caddaalad.

Dadkaan Dibadbaxa dhigayay ayaa xiray Waddada Dheer ee Isku xirta Magaalooyinka Muqdisho & Afgooye waxaana sidoo kale la xiray Goobaha Ganacsiga sidoo kale waxa ay taayiro ku shideen Laamiga.

Waxa ay ku doodeen in Dhulkooda oo muddo dheer ay degenaayeen looga burburiyay Amar Maxkamadeed kaddib markii ay ka xukmisay sida ay hadalka u dhigeen waxaana ay dalbadeen in lasoo farageliyo sida ay hadalka u dhigeen.

Qoysaskaan ayaa dhanka kale sheegay in aanay jirin cid hor timid oo kala hadashay Dhulka ay degen yihiin balse ay ka war heleen ciidamo wata Gaadiidka Cagafka loo yaqaan oo burburin ku billaabay guryaha qaar ee Ceelasha ku yaalla.

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay arrintaan iyaga oo ku dooday in aanay heysan guryo ay uga gabbaadaan Kulka maalintii & Qabowga Habeenkii.

Related posts

Xidhibaano Ka Tiran Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Soo Horjeestay Xisaab Xidhka 2022

Abdiaziz Bnnstaff

James Swan oo si rasmi ah loogu magacaabay in uu noqdo Ergayga QM ee Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Turkiga oo sheegay inuu diyaar u yahay Marti galinta wada hadallada Ruushka iyo Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff