Borama News Network

Ra’iisal Wasaare Xamse oo Sharuud ku xiray Wada hadal ay Xukuumaddiisa la galeyso Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxaha argagixisada ah ee dalka ka dagaalama, hadii nabad lagu helayo, wuxuuna shuruud ka dhigay inay joojiyaan dilalka iyo qaraxyada ay u geystaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa sheegay in Dagaalka kaliya uusan xal ahayn isaga oo sheegay raadineynaa nabad, balse xalka ugu dambeeyain wuxuu noqon doonaa wadahadal waa haddii ay ka tanaasulaan fikirka Xagjirnimada , isqarxinta iyo dilka ay u geysanayaan madaxda siyaasiyiinta iyo Dadka shacabka ah ayuu yiri” Ra’iisal Wasaare Xamse .

Waa Markii Uu horreesay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre u shaaciyo in Xukuumadiisa ay wadahadal ay la galeyso Alshabaab balse uu sharuud uu ku xiray wadahadalkaas.

Hase’ahaatee” arintaan ayaa ku soo aadeysa Xili Ciidamada Qalabka sida dhammaadka sanadkan ay la wareegayaan Amniga dalka Xilligaas oo ay dalka ka baxayaan Ciidanka ATMIS oo Taageeraya Dawlada Federaalka Soomaaliya .

Related posts

Xisbiga kulmiye oo xukuumada ku wargeliyay soo dhawaynta madaxwayne hore Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ee Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Shirkii UNDP Ee Borama Laga Joojiyay

Abdiaziz Bnnstaff

Sida aad ku heli kartid baasaboorka cusub ee Faransiiska iyo sharuudaha kaa xiga

Abdiaziz Bnnstaff